Sign in to follow this  
Deeq A.

Islow oo difaacday kursiga HOP#141

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1651772070572.jpg?resize=720%2C48

Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa mar labaad ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#141 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa caawa ka qabsoontay magaalada Jowhar.

Ma jirin cid la tartantay Islow, maadaama kursigu ahaa mid u xiran, waxayna ergadu ku dooratay hab gacan taag ah.

Kursigan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taaqnaa xiisad, kadib markii musharaxiin doonaysay ay ka soo horjeesdeen in loo xiro Maxamed Abuukar Islow.

FB_IMG_1651773737441.jpg?resize=721%2C48

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la kulamay Islow, wuxuuna ugu hambalyeeyay dib u dorashadiisa caawa, isagoo kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Islow oo difaacday kursiga HOP#141 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this