Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-dhawrka Qaranka oo go’aan culus kasoo saaray heshiisyada dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa gebi ahaanba joojiyay galitaanka ama bilaabada dhaqan-galinta heshiisyada dheef-wadaaga, inta lagu guda jiro xilliga doorashada.

Qoraal uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa waxa looga digay hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya inay qaadan tallaabo kasta oo saameyn mug leh ku yeelanaysa Hantida Umadda Soomaaliyeed illaa inta uu dalka ka yeelanayo xukuumad cusub oo xilka la wareegta.

“Heshiisyada (Concession Agreements) ee ay hay’adaha Dowladdu galeen wixii ka dambeeyay intii ay bilaabatay doorashada guud ee dalka ee weli fulintooda aysan bilaaban, waxaa lagu wargalinayaa in aan la bilaabi karin fulin heshiisyadaas illaa laga soo gaba-gabeynayo doorashada, dalkana uu ka yeelanayo xukuumad cusub,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu dalbaday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka in dib u eegis deg-deg ah lagu sameeyo heshiisyadii hay’adaha dowladu galeen wixii ka dambeeyay intii ay bilaabatay doorashada guud ee dalka, kuwaasi oo fulintooda bilaabtay.

“Waxaa xukuumadda cusub ee xilka la wareegi doonta doorashada kadib iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka kula talinaynaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadaas, maadama ay saameyn ku leeyihiin hantida iyo horumarka Umadda Soomaaliyeed, iyo habsami u socodka nidaamkeena dawliga ah ee hadda soo kabanaya.”

Hanti-dhawrka ayaa ka dalbaday hay’addaha galay heshiisyada kadib intii ay bilaabatay doorashada guud ee dalka inay macluumaadka heshiisyadaas ay u soo gudbiyaan xafiiska Hanti-dhawrka Guud afar maalmood gudahood ah.

Ugu dambeyntii waxa qoraalka lagu sheegay in hay’addii dowladeed ee gasha ama fulisa heshiiysada uu ka digay Hanti-dhawrka Guud, khasaaraha ka dhashay ay mas’uuliyadooda qaadi doonaan mas’uuliyiinta ku saxiixan ama fuliyay iyo dhamaan shaqsiyaadka kale ee kala shaqeeyay arrintaas.
279683799_306562081663593_88484382025466 279643576_306562054996929_20775735832599

The post Hanti-dhawrka Qaranka oo go’aan culus kasoo saaray heshiisyada dowladda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this