Deeq A. Posted May 5, 2022 Guddiga qaban-qaabada ayaa shaaciyay in 15-ka bishan May la qabanayo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddiga ayaa kulan ay maanta oo Khamiis ah yeesheen ka dooday waqtiga doorashada, codeyn kadibna waxay isku waafaqeen 15 May in ay noqoto maalinta doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Guddigu waxa ay ka doodeen waqtiga Doorashada, iyaga oo tixgaliyay duruufaha dalku uu ku jiro, waxaana codeyn kadib la isku waafaqay 15 May in ay noqoto maalinta doorashada Madaxweynaha DFS” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka mid ah Guddiga. Hal sano iyo saddex bilood ka hor ayay ahayd in ay dhacdo doorashadan, iyadoo muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo dhammaaday bishii Febraayo 2021. Doorashadan waxaa u taagan in ka badan 20 musharrax oo ay ku jiraan madax hore oo doonaya in ay xilka kala wareegaan Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. PUNTLAND POST The post Doorashada Madaxweynaha oo la muddeeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites