AYOUB Posted December 6, 2006 Noloshu waa madawdahay Marin seegan baa yaal Mahadhooyin baa yaal Iyo Maado fara badan. Maya iyo mayaa taal Maya iyo wir baa taal Muruq iyo car baa taal Mukur iyo qab baa yaal Ismaroorin baa taal Makri iyo dhac baa yaal Mixnad iyo shil baa yaal Makalliyo dil baa yaal Mallafiyo dulmaa yaal Madfac iyo hub baa yaal Dhagar iyo mir baa taal Maryo dhiig leh baa yaal Midab iyo xin baa yaal Marre iyo fal baa yaal Musuq-maasuq baa yaal Marag beena baa yaal Macsi iyo kufraa yaal Dhir la muudsadaa taal Shar la miisto baa yaal Macaluul cas baa taal Jahli macalinaa yaal Midgo iyo gun baa taal Mudan iyo gob baa taal Dadku inay masoobaan Maskax diidan baa taal Maya dhego la’ baa taal. Wixii maal la dhaqan jirey Murugay la tuban tahay Dhirtu wayska mudan tahay Mar maroor ku farabadey Laga furey marriinkii Ubixiyo magoolkii Allaylehe marduufkii Cunay maahirtaydii Iyo maycaskaygii Macal iyo wankii raas Iyo maydalkii Raan Qudhaciyo maraagii Mililqsuu ku shidayaa. Cirka mooyi waxa jira Mayaygiyo gudgudihii Meexaanihii daa. Dadku waxay ka maydheen Madadkiyo hufnaantii Milgihii dalaysnaa Malmal bay u shidayaan Ninka marantidiisii Culustiyo minweyntii Majin bay gadaysaa Isna miiladiisii Mafrash buu la joogaa Makastiyo haweenkii Milic bay hadhsanayaan Mugdi bay ifsanayaan Ragna maah ka badin waa Iyo meheradii jaan Ku masuug xilkiisii Murti iyo halhays iyo Maahmaahihii daa Marka uu had iyo jeer Ku mergado su’aalaha Dadku ay maldahayaan Marmarsiinyo doon doon Dayaxiyo malluugaha Masanuun ku faallee Hadba gaajo fara madhan Markab luula weydii La fogaa mirqaankii Talo waysla maqan tahay Rabbina tiisu waa meel. Waxay meeris fagantaba Waxay meysi ruqantaba Waxay mooro dumisaba Waxay moosin debecdaba Waxay muunad rogantaba Waxay sii maldahantaba Waxay sii murmurgtaba Waxay sii murkacataba Waxay qooq makalantaba Waxay maag ku dhimataba Waxay miino jarantaba Waxay muumin qalataba Waxay meyd ku orisaba Waxay mawd ku durugtaba Miyirkay xasaysee Hadaan maanku soo noqon Mucjisaa sugaysee, Ninka mooganaantaas, Ku xasila is moodsiis Malihiisu waa been. Inta maalin baqasho leh Ta u maan gilgilid weyn Mudadeeda shiranta ah Mayalkeeda dhaadheer Manjo daallay fuliyaan Allaheedu madal yahay Nin maqnaaba sugi jiray Oo markhaatigeedii Mursalkiyo rasuulkii Mahad loogu gogol dhigay Dayaxeeda muuqdaa Nabi Maxamed sii yahay, Marinada la kala xigo Labadeeda kala mudan Ninka muumin sheegtaa Dhanka midig ku sugan yahay Iyadoo malcuunkii Toddobaatan midablii Macna yare la odhan jirey Murtad iyo dhal shaydaan Iyo mukhawiyiintii Dhan ka bidix u meersaday, Madal laysu soo baxay Warba mooyi laga yahay Mahadhiyo ladh toosiyo Waxa maangad dhacayaa Miyir doorsan dhaliyeen, Murugadu sal leedahay, Musaraarku badan yahay, Mahwi aan la kala hoyan Milic aan hadh laga gelin Maro iyo kab loo sidan Mucsur lagu quturan yahay Sida malow u soo baxay Makhrib dumey dhir maygaag Naxdin lala madow yahay Ishu dhiillo mudan tahay Wajigeedu Milan yahay Marwo iyo dhabeeshii Laga yimi minyaradii Iyo mudanayaashii Marta loo furfuri jiray Mindi iyo tollaaydii Iyo muusanawgii Mirta looga kici jiray Madhan tahay docdoodii Ma huraanku kala naxo Rag ninkii wax miran jirey Miismiisan jirey ciin Iyo mur iyo deebaaq Muhashadu u baaqayn Dhal magaalo kulushahay Mallayda naftiisa ah Magac iyo hankiisiyo Nina maal ku furanayn Qofba meel ku luran yahay Kashu maayad ruxan tahay Marmaroorto luran tahay Garashadu mudduci tahay Runtu soo mutaxan tahay, Nin muraad ka xidhan yahay Maxrashoonku sugayaa Danta waw min tiriyaa Muslinow dharaartaas Amarkiyo mug weynta ah Nina malab ka dhabaqsaday Nina dacar ka muudsaday Maqal yaanay kugu noqon. Hana lumin muftaaxii Furi jirey martabadaha Mahadoodu badan tahay. Naftu macandi weeyee Male hawgu sahan tegin Ha ku daalin meermeer. Waligaa ha muunayn Madhantiyo xag xagatada Jinka haw muraad qumin Yaan masuuga shaydaan Milicsiga adduunkiyo Madadaalo kugu hodin. Noloshana kas iyo maan Miyir sugan ku doon doon. Muslinow ha xaalayn In munaafaq jecel yahay Haysku milin shar iyo khayr. Midabada iska ogow Lagu naco masuuskiyo Qofka geed is mariska ah. Hana noqon mashkaladaha Xanankiyo maduunka ah. Midho geed ku wadayaal Madi iyo mageyna ah Ha ku ridin is maan dhaaf. Madax iyo minjaha sida Madmadow ha kala gelin Maxastaada waligaa Majin hawga roonaan Mintid noqo abaabulan Iyo lagama maarmaan Marwadiisu jeceshahay Ubadkiisu meel dheer Uga soo mashaxaradaan. Majaraa ha sii deyn Rabbi Loogu magan yahay Inaad muuqa qudha tahay Mahad inad ku nooshahay Labadaasna kala miyo. 23/08/2006 Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi. Togdheernews.com Burco Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted December 6, 2006 Mayal-dheer Shaabuug Jac Kulul bay Sidataa Nin Walow ba Korkaaga ka Day. Qore: Rashiid Sheekh Cabdillahi X Axmed(Gadweyne) Waxaa noo caado ahayda in aannu tixda Hadraawi ku dhegeysanno hab munaasabadeed aannu si gaar ah ugu xafladaynno. Waxaanu ahayn tiro dhawr ama tobneeyo qof ah. Way yarayd inta aannu ka war-helnay tix Hadraawi soo wado; haddii se ay dhacdo, xiise kulul baannu ku sugi jirey; badanaa se annaga oo aan wax ba ogayn buu tixdiisa cusub nagaga naxsan jurey. Intii Hal-karaan ka dambaysay maansooyinka Hadraawi safar dhul dheer ka soo kicitimay by iigu yimaaddeen; Daba-huwani, tusaale ahaan, cajalad uu London ka soo direy bay ahayd oo magaalada Addis Ababa iigu timid. Tixihii ka dambeeyey, dhammaantood waxay, markii u horraysay, igu soo gaadheen qorraallo uu soo diray; sidaa darteed badi ba keliday baan ku xafladeeyey. Awel marka uu Hadraawi tixdiisa cusub noo ahkriyo, judhaba farxad iyo riyaaq baa nagu dhammaan jirey; sansaanka qurxoon iyo dhismaha hannaanka wacan baa ashqaraarkiisa watay. Haddii ay bilowga hore ku beer-qaaddo oo samada kuu la baxdo, rogaalka xiga ayay hoos kuu soo dejisaa oo dhulka cagaha kuu saartaa oo miyirka kuu soo ceilisaa. Waa marka aad ad’iyo tixdu si weyn isu waraysataan ee ay murti waxa ay siddo kuu dhiib-dhiibto. Kolkan baad murtideeda qalataa ood xeel-dheerideeda daba-gashaa oo’d meelaha ay gacan-togaalaynayso qoton iyo maddoba uga daba-tagtaa. Intaa dabadeed, raadkeeda qalbiga degaa wuxuu ahaa, ka sokow dhadhanka wacan iyo murtida maanseed, xaaladda nafsiga ah ee ay nagu abuuri jirtey. Waxaan odhan karaa kul nagu oogan bay qaboojin jirtey oo waran nagu taagan bay naga jari jirtey . Dhinaceeda taban marka laga eego, wel-welka waayahu leeyihiin bay naga kor-qaadaysay oo waaqica jira ayey na oggolaysiinaysay; Dhinaceeda togan se, himma-jabka laga qaado tabaalada adduun ee tamari ka gaabatay ayey dhaymo nooga ahayd. Tan buu cabbirayey markii uu Dr Maxamed Saalax ku yidhi Hadraawi: “ maansadaadu waa dawo”, taas’oo uu Hadraawi na si dadban ugu xusayo baydadkan oo tixdiisii Waxyi ku jirey: Waa yahay Daktoorkow. Hadday weedhu muuniyo Walanqiyo dux leedahay, Amba sow walaalow Wadar kale ma kaashado. Mayal-dheer, 26kii bishii Ogosto ee sannadkan, 2006da, ayuu Hadraawi ku soo bandhigay xaflad loogu qabtay Huteelka Maansoor oo ay dad, malaha laba boqol oo qof aan ka yarayni fadhiyeen. Sida ka muuqatay shucuurta uu ku akhriyayey, Hadraawi, si weyn buu u la fal-galay dadka dhegeysanayey. In kasta oo ay taasi saamaynteeda yeelan karto, hadda na tixdani wax ay gaarkeed wadato oo ay raadaynteedu kuwii hore kaga duwan tahay baa jira. Haddii aan maansooyinkii Hadraawi hore idhi waxay noo ahaayeen dawo ama waannu ku nafisi jirney, tani waran iga ma goyn ee aniga ayey ba I warmaynaysaa; aniga iyo adiga iyo inteennii ay maansada Hadraawi tirsan jirtey ee hiilka ka dhigan jirtey, ayey ku mudduci tahay. Innaga ayey masuuliyadda waxa adduunka maanta ka taagan dhabarka inoo saaraysaa; haddii aan ifka la isu qabsanin na, waxay tixdani inagu gooddiyeysaa in aan su’aasheeda maalinta la qatan yahay ee la qaawan yahay, laga baxsan doonin. Waxaa laga yaabaa in aan dareenkan dad badan oo aannu habeenkaas tixdan wada dhegeysaneyney, i la qabin; in ka sii badani na, waan hubaa, oo haddii boqollaal jeer la maqashiiyo, xaadi uga dhaqaaqi mayso; ku na soo dhaci mayso dubaaqooda in ayaga la la hadlaayo. Sababtu wax kale ma aha ee waa la damqasho beeley, dareenkii xumaha ka yaq-yaqsoon jirey iyo duunkii qiyamta wacan ku hiran jirey ayaa dhintay. Waxaa dhacay dadnimo-ka-bax iyo dugaagow; waa na xaaladda ay tixda Mayal-dheer si la-yaab leh u sifaynayso. Dameeraka, sida awrka loo rarto ayaa loo rartaa, waa se loo daran yahay oo kal-gacaylka awrka loo hayo asaga loo ma laha. Waxa uu badiba u gacan-galaa qof aan u naxariisanin oo si raxmad darran oo weli ba joogto ah nadiga u la dhaca. Inta uu culays tankiisa ka weyn saaro ama ku jiido, ayuu qaar la dhacaa, si uu socodka u kordhiyo. Marka ay taasi muddo dheer ku socoto, aakhirka dameerkaasi damqashadaa ka tagta oo wuu hiir-daayaa; si kasta oo loo xanuujiyo na ma digiigixdo; wax kasta oo nabar lagu dhufto na madaxa uun buu hoos u rogo, far se ma dhaqaajiyo. Damiirka dadnimo ee aadanaha taas oo kale ayaa ku dhacda. Tusaale ahaan, macsida faraha badan iimaanka iyo Alle ka cabsigaa ku baxa. Haddii hunguriga iyo shahawaadka nafta loo hoggoonsamo na xishoodkaa dadka dhinta. Mayal-dheer Waxay ka warramaysaa adduun ay go’een wax kasta oo dadka dadnimo ku xidhiidhinayey, duni keli- u-nool miidhan la noqday oo aan cidi na cid naf u haynin.Waxay inoo sawiraysaa dad aan lahayn waxa laba isku rumaysato oo ay isku aaminto ee maya iyo maya la is la wada horjoogo, caalam aan caqligu shaqaynin oo aan waxa dawga iyo sharaca Alle yahay, ama aan qiyamta anshaxa la isku raacin lagu na kala bixin ee xoog iyo awoodda muruqa oo keli ah la isku muquuniyo. Luqada ay tixdu xaaladdaas kaga war-bixinayso ayaa fajiciso kuugu filan; tusaalaheedu waa: maya iyo maya, maya iyo wir, muruq iyo car, mukur iyo qab, makri iyo dhac, mixnad iyo shil, makalliyo dil, mallafo iyo dulmi, madfac iyo hub, dhagar iyo mir, maryo dhiig leh, midab iyo xin, marre iyo fal, musuq-maasuq, macsi iyo kufrinimo, iyo shar la miisanyo iyo macaluul, jahli macallin ah, isir-faquuq iyo dad gun iyo gob loo kala sooco iwm. Hunguriga mallafsanaya ayaa la tegey xoolihii iyo daaqoodii ba; dhirtii baa laga dhammeeyey ubaxii iyo maagoolkii. Waxaa liqay intaba waa marduufka jaad ah ee laga daba- dhacay; asaga dartii il bidhiqdeed baa geedka lagu gubayaa: Wixii maal la dhaqan jirey Murug’ay la tuban tahay. Dhirtu way’ska mudan tahay; Mar-maroor ku fara-baday; Laga furay marriinkii Ubaxiyo magoolkii. Allaylehe marduufkii Cunay maahirtaydii Iyo may-caskaygii, Macal iyo wankii raas Iyo maydalkii raan, Qudhaciyo maraagii Milliqs’uu ku shidayaa. Waxay tixdu ina tidhi: dadku dhammaantood way ka maydheen wixii wanaag ahaa oo dhan, waxay ina tusaysa hoygii qoysinnimo oo baaba’ay; saygii guriga oo kaalintiisa baajiyey oo aan oori iyo ubad midna ba wax ba ugu maqnayn; odaygii reerka oo aan tacab iyo talo iyo tusaale mid na lagu sugayn; iyo marantidiisii oo ay dani baddy in suuqa jaad ku gaddo. Muuqiisa madhan baa qof nool la moodaa; mark uu dadku, gaar ahaan ubadkiisu ogaal iyo aqoon moodo, isna samada iyo malluugaha ayuu aadaa. Waa ayo dadkan ay tixdan Mayal-dheer ka hadlaysaa? Qof wali ba, haddii su’aashan la weydiiyo, waxa uu ku sheegi cid kale oo kollay aan asaga ahayn. Sidaas’aa la wada ahaa oo annaga iyo Hadraawi iyo maansooyinkiisii hore ba masuuliyadda dhibaatooyinka jira waxaanu saari jirney cid kale, tusaale ahaan Siyaad Barre iyo Xukunkiisii iyo xulufadiisii. Hadda ka hor oo ku siman intii uu Siyaad Barre kursiga xukunka ku fadhiyey, ayaannu xaqiiqadan ogaannay Hayeeshee ka dib ayuu maanso ahaan, Hadraawi taas cabbiray. Mayal-dheer oo ah tixda aynu hadda ka hadlayno, ayaa arrinta hore ugu sii durugtay. Qof walba, gaar ahaan inan-rag, farta ayay toos ugu fiiqaysaa. Ha is-odhan oo nafta ha ku maaweelin: maxaan ka qaban karaa? Marka aad ugu liidato ereyga waanada ah waa aad kartaa, waxaa se kaaga horreysa oo aanad marmarsiinyo u heleynin ta naftaada. Wacanaa in uu qof kastaa ba damiirkiisa dadnimo dib u soo nooleeyo oo inta uu ifka joogo naftiisa maxkamad saaro. Haddii kale, ogow masuuliyadda maanta aynu ka rooraynaa hadhi mayso oo ugu dambaynteedu maalin la arko “ta u maan-gilgilid weyn” – waa maalinta qiyaamah’ee – ayey ina hor-imanaysaa! Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed http://www.aftahan.com/article Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted December 6, 2006 The Somali poets/linguists are an endnagered people. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 20, 2008 Noloshu waa madawdahay Marin seegan baa yaal Mahadhooyin baa yaal Iyo Maado fara badan. Maya iyo mayaa taal Maya iyo wir baa taal Muruq iyo car baa taal Mukur iyo qab baa yaal Ismaroorin baa taal Makri iyo dhac baa yaal Mixnad iyo shil baa yaal Makalliyo dil baa yaal Mallafiyo dulmaa yaal Madfac iyo hub baa yaal Dhagar iyo mir baa taal Maryo dhiig leh baa yaal Midab iyo xin baa yaal Marre iyo fal baa yaal Musuq-maasuq baa yaal Marag beena baa yaal Macsi iyo kufraa yaal Dhir la muudsadaa taal Shar la miisto baa yaal Macaluul cas baa taal Jahli macalinaa yaal Midgo iyo gun baa taal Mudan iyo gob baa taal Dadku inay masoobaan Maskax diidan baa taal Maya dhego la’ baa taal. So True ......... So True walaahi ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites