Sign in to follow this  
AYOUB

Mayal-dheer - Hadraawi

Recommended Posts

AYOUB   

Noloshu waa madawdahay

Marin seegan baa yaal

Mahadhooyin baa yaal

Iyo Maado fara badan.

Maya iyo mayaa taal

Maya iyo wir baa taal

Muruq iyo car baa taal

Mukur iyo qab baa yaal

Ismaroorin baa taal

Makri iyo dhac baa yaal

Mixnad iyo shil baa yaal

Makalliyo dil baa yaal

Mallafiyo dulmaa yaal

Madfac iyo hub baa yaal

Dhagar iyo mir baa taal

Maryo dhiig leh baa yaal

Midab iyo xin baa yaal

Marre iyo fal baa yaal

Musuq-maasuq baa yaal

Marag beena baa yaal

Macsi iyo kufraa yaal

Dhir la muudsadaa taal

Shar la miisto baa yaal

Macaluul cas baa taal

Jahli macalinaa yaal

Midgo iyo gun baa taal

Mudan iyo gob baa taal

Dadku inay masoobaan

Maskax diidan baa taal

Maya dhego la’ baa taal.

Wixii maal la dhaqan jirey

Murugay la tuban tahay

Dhirtu wayska mudan tahay

Mar maroor ku farabadey

Laga furey marriinkii

Ubixiyo magoolkii

Allaylehe marduufkii

Cunay maahirtaydii

Iyo maycaskaygii

Macal iyo wankii raas

Iyo maydalkii Raan

Qudhaciyo maraagii

Mililqsuu ku shidayaa.

Cirka mooyi waxa jira

Mayaygiyo gudgudihii

Meexaanihii daa.

Dadku waxay ka maydheen

Madadkiyo hufnaantii

Milgihii dalaysnaa

Malmal bay u shidayaan

Ninka marantidiisii

Culustiyo minweyntii

Majin bay gadaysaa

Isna miiladiisii

Mafrash buu la joogaa

Makastiyo haweenkii

Milic bay hadhsanayaan

Mugdi bay ifsanayaan

Ragna maah ka badin waa

Iyo meheradii jaan

Ku masuug xilkiisii

Murti iyo halhays iyo

Maahmaahihii daa

Marka uu had iyo jeer

Ku mergado su’aalaha

Dadku ay maldahayaan

Marmarsiinyo doon doon

Dayaxiyo malluugaha

Masanuun ku faallee

Hadba gaajo fara madhan

Markab luula weydii

La fogaa mirqaankii

Talo waysla maqan tahay

Rabbina tiisu waa meel.

Waxay meeris fagantaba

Waxay meysi ruqantaba

Waxay mooro dumisaba

Waxay moosin debecdaba

Waxay muunad rogantaba

Waxay sii maldahantaba

Waxay sii murmurgtaba

Waxay sii murkacataba

Waxay qooq makalantaba

Waxay maag ku dhimataba

Waxay miino jarantaba

Waxay muumin qalataba

Waxay meyd ku orisaba

Waxay mawd ku durugtaba

Miyirkay xasaysee

Hadaan maanku soo noqon

Mucjisaa sugaysee,

Ninka mooganaantaas,

Ku xasila is moodsiis

Malihiisu waa been.

Inta maalin baqasho leh

Ta u maan gilgilid weyn

Mudadeeda shiranta ah

Mayalkeeda dhaadheer

Manjo daallay fuliyaan

Allaheedu madal yahay

Nin maqnaaba sugi jiray

Oo markhaatigeedii

Mursalkiyo rasuulkii

Mahad loogu gogol dhigay

Dayaxeeda muuqdaa

Nabi Maxamed sii yahay,

Marinada la kala xigo

Labadeeda kala mudan

Ninka muumin sheegtaa

Dhanka midig ku sugan yahay

Iyadoo malcuunkii

Toddobaatan midablii

Macna yare la odhan jirey

Murtad iyo dhal shaydaan

Iyo mukhawiyiintii

Dhan ka bidix u meersaday,

Madal laysu soo baxay

Warba mooyi laga yahay

Mahadhiyo ladh toosiyo

Waxa maangad dhacayaa

Miyir doorsan dhaliyeen,

Murugadu sal leedahay,

Musaraarku badan yahay,

Mahwi aan la kala hoyan

Milic aan hadh laga gelin

Maro iyo kab loo sidan

Mucsur lagu quturan yahay

Sida malow u soo baxay

Makhrib dumey dhir maygaag

Naxdin lala madow yahay

Ishu dhiillo mudan tahay

Wajigeedu Milan yahay

Marwo iyo dhabeeshii

Laga yimi minyaradii

Iyo mudanayaashii

Marta loo furfuri jiray

Mindi iyo tollaaydii

Iyo muusanawgii

Mirta looga kici jiray

Madhan tahay docdoodii

Ma huraanku kala naxo

Rag ninkii wax miran jirey

Miismiisan jirey ciin

Iyo mur iyo deebaaq

Muhashadu u baaqayn

Dhal magaalo kulushahay

Mallayda naftiisa ah

Magac iyo hankiisiyo

Nina maal ku furanayn

Qofba meel ku luran yahay

Kashu maayad ruxan tahay

Marmaroorto luran tahay

Garashadu mudduci tahay

Runtu soo mutaxan tahay,

Nin muraad ka xidhan yahay

Maxrashoonku sugayaa

Danta waw min tiriyaa

Muslinow dharaartaas

Amarkiyo mug weynta ah

Nina malab ka dhabaqsaday

Nina dacar ka muudsaday

Maqal yaanay kugu noqon.

Hana lumin muftaaxii

Furi jirey martabadaha

Mahadoodu badan tahay.

Naftu macandi weeyee

Male hawgu sahan tegin

Ha ku daalin meermeer.

Waligaa ha muunayn

Madhantiyo xag xagatada

Jinka haw muraad qumin

Yaan masuuga shaydaan

Milicsiga adduunkiyo

Madadaalo kugu hodin.

Noloshana kas iyo maan

Miyir sugan ku doon doon.

Muslinow ha xaalayn

In munaafaq jecel yahay

Haysku milin shar iyo khayr.

Midabada iska ogow

Lagu naco masuuskiyo

Qofka geed is mariska ah.

Hana noqon mashkaladaha

Xanankiyo maduunka ah.

Midho geed ku wadayaal

Madi iyo mageyna ah

Ha ku ridin is maan dhaaf.

Madax iyo minjaha sida

Madmadow ha kala gelin

Maxastaada waligaa

Majin hawga roonaan

Mintid noqo abaabulan

Iyo lagama maarmaan

Marwadiisu jeceshahay

Ubadkiisu meel dheer

Uga soo mashaxaradaan.

Majaraa ha sii deyn

Rabbi Loogu magan yahay

Inaad muuqa qudha tahay

Mahad inad ku nooshahay

Labadaasna kala miyo.

23/08/2006

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Togdheernews.com

Burco Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Mayal-dheer Shaabuug Jac Kulul bay Sidataa Nin Walow ba Korkaaga ka Day.

Qore: Rashiid Sheekh Cabdillahi X Axmed(Gadweyne)

 Waxaa noo caado ahayda in aannu tixda Hadraawi ku dhegeysanno hab  munaasabadeed aannu si gaar ah ugu xafladaynno. Waxaanu ahayn tiro dhawr ama tobneeyo qof ah. Way yarayd inta aannu ka war-helnay tix Hadraawi soo wado;  haddii se ay dhacdo, xiise kulul baannu ku sugi jirey; badanaa se  annaga oo aan wax ba ogayn buu tixdiisa cusub nagaga naxsan jurey. Intii Hal-karaan ka dambaysay maansooyinka Hadraawi safar dhul dheer ka soo kicitimay by iigu yimaaddeen; Daba-huwani, tusaale ahaan, cajalad uu London ka soo direy bay ahayd oo magaalada Addis Ababa iigu timid. Tixihii ka dambeeyey, dhammaantood waxay, markii u horraysay, igu soo gaadheen qorraallo uu soo diray; sidaa darteed badi ba keliday baan ku xafladeeyey. 

 

 Awel marka uu Hadraawi tixdiisa cusub noo ahkriyo, judhaba farxad iyo riyaaq baa nagu dhammaan jirey; sansaanka qurxoon iyo dhismaha hannaanka wacan baa ashqaraarkiisa watay. Haddii ay bilowga hore ku beer-qaaddo oo samada kuu la baxdo, rogaalka xiga ayay hoos kuu soo dejisaa oo dhulka cagaha kuu saartaa oo miyirka kuu soo ceilisaa. Waa marka aad ad’iyo tixdu si weyn isu waraysataan ee ay murti waxa ay siddo kuu dhiib-dhiibto. Kolkan baad murtideeda qalataa ood xeel-dheerideeda daba-gashaa oo’d meelaha ay gacan-togaalaynayso qoton iyo maddoba uga daba-tagtaa.

 

 Intaa dabadeed, raadkeeda qalbiga degaa wuxuu ahaa, ka sokow dhadhanka wacan iyo murtida maanseed, xaaladda nafsiga ah ee ay nagu abuuri jirtey. Waxaan odhan karaa kul nagu oogan bay qaboojin jirtey oo waran nagu taagan bay naga jari jirtey . Dhinaceeda taban marka laga eego, wel-welka waayahu leeyihiin bay naga kor-qaadaysay oo waaqica jira ayey na oggolaysiinaysay; Dhinaceeda togan se, himma-jabka laga qaado tabaalada adduun ee tamari ka gaabatay ayey dhaymo nooga ahayd. Tan buu cabbirayey markii uu Dr Maxamed Saalax ku yidhi Hadraawi: “ maansadaadu waa dawo”, taas’oo uu Hadraawi na si dadban ugu xusayo baydadkan oo tixdiisii Waxyi ku jirey:

   

Waa yahay Daktoorkow.

Hadday weedhu muuniyo

Walanqiyo dux leedahay,

Amba sow walaalow

Wadar kale ma kaashado.

 

 Mayal-dheer, 26kii bishii Ogosto ee sannadkan, 2006da, ayuu Hadraawi ku soo bandhigay xaflad loogu qabtay Huteelka Maansoor oo ay dad, malaha laba boqol oo qof aan ka yarayni fadhiyeen. Sida ka muuqatay shucuurta uu ku akhriyayey, Hadraawi, si weyn buu u la fal-galay dadka dhegeysanayey. In kasta oo ay taasi saamaynteeda yeelan karto, hadda na tixdani wax ay gaarkeed wadato oo ay raadaynteedu kuwii hore kaga duwan tahay baa jira. Haddii aan maansooyinkii Hadraawi hore idhi waxay noo ahaayeen dawo ama waannu ku nafisi jirney, tani waran iga ma goyn ee aniga ayey ba I warmaynaysaa; aniga iyo adiga iyo inteennii ay maansada Hadraawi tirsan jirtey ee hiilka ka dhigan jirtey, ayey ku mudduci tahay. Innaga ayey masuuliyadda waxa adduunka maanta ka taagan dhabarka inoo saaraysaa; haddii aan ifka la isu qabsanin na, waxay tixdani inagu gooddiyeysaa in aan su’aasheeda maalinta la qatan yahay ee la qaawan yahay, laga baxsan doonin.

 

 Waxaa laga yaabaa in aan dareenkan dad badan oo aannu habeenkaas tixdan wada dhegeysaneyney, i la qabin; in ka sii badani na, waan hubaa, oo haddii boqollaal jeer la maqashiiyo, xaadi uga dhaqaaqi mayso; ku na soo dhaci mayso dubaaqooda in ayaga la la hadlaayo. Sababtu wax kale ma aha ee waa la damqasho beeley, dareenkii xumaha ka yaq-yaqsoon jirey iyo  duunkii qiyamta wacan ku hiran jirey ayaa dhintay. Waxaa dhacay dadnimo-ka-bax iyo dugaagow; waa na xaaladda ay tixda Mayal-dheer si la-yaab leh u sifaynayso. Dameeraka, sida awrka loo rarto ayaa loo rartaa, waa se loo daran yahay oo kal-gacaylka awrka loo hayo asaga loo ma laha. Waxa uu badiba u gacan-galaa qof aan u naxariisanin oo si raxmad darran oo weli ba joogto ah  nadiga u la dhaca. Inta uu culays tankiisa ka weyn saaro ama ku jiido, ayuu qaar la dhacaa, si uu socodka u kordhiyo. Marka ay taasi muddo dheer ku socoto, aakhirka dameerkaasi damqashadaa ka tagta oo wuu hiir-daayaa; si kasta oo loo xanuujiyo na ma digiigixdo; wax kasta oo nabar lagu dhufto na madaxa uun buu hoos u rogo, far se ma dhaqaajiyo. Damiirka dadnimo ee aadanaha taas oo kale ayaa ku dhacda. Tusaale ahaan, macsida faraha badan iimaanka iyo Alle ka cabsigaa ku baxa. Haddii hunguriga iyo shahawaadka nafta loo hoggoonsamo na xishoodkaa dadka dhinta.

Mayal-dheer Waxay ka warramaysaa adduun ay go’een wax kasta oo dadka dadnimo ku xidhiidhinayey, duni keli- u-nool miidhan la noqday oo aan cidi na cid naf u haynin.Waxay inoo sawiraysaa dad aan lahayn waxa laba isku rumaysato oo ay isku aaminto ee maya iyo maya la is la wada horjoogo, caalam aan caqligu shaqaynin oo aan waxa dawga iyo sharaca Alle yahay, ama aan qiyamta anshaxa la isku raacin lagu na kala bixin ee xoog iyo awoodda muruqa oo keli ah la isku muquuniyo. Luqada ay tixdu xaaladdaas kaga war-bixinayso ayaa fajiciso kuugu filan; tusaalaheedu waa: maya iyo maya, maya iyo wir, muruq iyo car, mukur iyo qab, makri iyo dhac, mixnad iyo shil, makalliyo dil, mallafo iyo dulmi, madfac iyo hub, dhagar iyo mir, maryo dhiig leh, midab iyo xin, marre iyo fal, musuq-maasuq, macsi iyo kufrinimo, iyo shar la miisanyo iyo macaluul, jahli macallin ah, isir-faquuq iyo dad gun iyo gob loo kala sooco iwm.

 

Hunguriga mallafsanaya ayaa la tegey xoolihii iyo daaqoodii ba; dhirtii baa laga dhammeeyey ubaxii iyo maagoolkii. Waxaa liqay intaba waa marduufka jaad ah ee laga daba- dhacay; asaga dartii il bidhiqdeed baa geedka lagu gubayaa:

           

Wixii maal la dhaqan jirey

Murug’ay la tuban tahay.

Dhirtu way’ska mudan tahay;

Mar-maroor ku fara-baday;

Laga furay marriinkii

Ubaxiyo magoolkii.

                       

Allaylehe  marduufkii

Cunay maahirtaydii

Iyo may-caskaygii,

 Macal iyo wankii raas

Iyo maydalkii raan,

Qudhaciyo maraagii

Milliqs’uu ku shidayaa.

 

 Waxay tixdu ina tidhi: dadku dhammaantood way ka maydheen wixii wanaag ahaa oo dhan, waxay ina tusaysa hoygii qoysinnimo oo baaba’ay; saygii guriga oo kaalintiisa baajiyey oo aan oori iyo ubad midna ba wax ba ugu maqnayn; odaygii reerka oo aan tacab iyo talo iyo tusaale mid na lagu sugayn; iyo marantidiisii oo ay dani baddy in suuqa jaad ku gaddo. Muuqiisa madhan baa qof nool la moodaa; mark uu dadku, gaar ahaan ubadkiisu ogaal iyo aqoon moodo, isna samada iyo malluugaha ayuu aadaa.

 

Waa ayo dadkan ay tixdan Mayal-dheer ka hadlaysaa?

 

 Qof wali ba, haddii su’aashan la weydiiyo, waxa uu ku sheegi cid kale oo kollay aan asaga ahayn. Sidaas’aa la wada ahaa oo annaga iyo Hadraawi iyo maansooyinkiisii hore ba masuuliyadda  dhibaatooyinka jira waxaanu saari jirney cid kale, tusaale ahaan Siyaad Barre iyo Xukunkiisii iyo xulufadiisii. Hadda ka hor oo ku siman intii uu Siyaad Barre kursiga xukunka ku fadhiyey, ayaannu xaqiiqadan ogaannay Hayeeshee ka dib ayuu maanso ahaan, Hadraawi taas cabbiray. Mayal-dheer oo ah tixda aynu hadda ka hadlayno, ayaa arrinta hore ugu sii durugtay. Qof walba, gaar ahaan inan-rag, farta ayay toos ugu fiiqaysaa. Ha is-odhan oo nafta ha ku maaweelin: maxaan ka qaban karaa? Marka aad ugu liidato ereyga waanada ah waa aad kartaa, waxaa se kaaga horreysa oo aanad marmarsiinyo u heleynin ta naftaada. Wacanaa in uu qof kastaa ba damiirkiisa dadnimo dib u soo nooleeyo oo inta uu ifka joogo naftiisa maxkamad saaro. Haddii kale, ogow masuuliyadda maanta aynu ka rooraynaa hadhi mayso oo ugu dambaynteedu maalin la arko “ta u maan-gilgilid weyn” – waa maalinta qiyaamah’ee – ayey ina hor-imanaysaa!

 

Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed

http://www.aftahan.com/article

Share this post


Link to post
Share on other sites

Noloshu waa madawdahay

Marin seegan baa yaal

Mahadhooyin baa yaal

Iyo Maado fara badan.

Maya iyo mayaa taal

Maya iyo wir baa taal

Muruq iyo car baa taal

Mukur iyo qab baa yaal

Ismaroorin baa taal

Makri iyo dhac baa yaal

Mixnad iyo shil baa yaal

Makalliyo dil baa yaal

Mallafiyo dulmaa yaal

Madfac iyo hub baa yaal

Dhagar iyo mir baa taal

Maryo dhiig leh baa yaal

Midab iyo xin baa yaal

Marre iyo fal baa yaal

Musuq-maasuq baa yaal

Marag beena baa yaal

Macsi iyo kufraa yaal

Dhir la muudsadaa taal

Shar la miisto baa yaal

Macaluul cas baa taal

Jahli macalinaa yaal

Midgo iyo gun baa taal

Mudan iyo gob baa taal

Dadku inay masoobaan

Maskax diidan baa taal

Maya dhego la’ baa taal.

So True ......... So True walaahi ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this