Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo guddoomiye doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah uga bilaabatay qaban qaabada doorashada madaxweynaha, taas oo la filayo inay qabsoonto maalmaha soo socda, si loo dhammeystiro guud ahaan doorashooyinka.

Guddiga dooorashada madaxweynaha ee labada Aqal ee Baarlamaanka ee shalay la soo saaray ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey, waxaana guddoomiyey Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow, iyada oo guddoomiye loo doortay Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo Golaha kasoo galay Puntkand, wuxuuna helayb 10 cod.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo tartanka qayb ka ahaa ayaa helay 5 cod, halka Senator Cabdi ismaaciil samatar uu isna helay 2 Cod oo kaliya

Sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka guddiga u sharraxan:- 1-Senator Ibraahim Owgaab Cismaan, 2-Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed, 3-Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Guddiga ayaa looga fadhiyaa inuu dadajiyo doorashada, isla-markaana uu soo saaro habraaca iyo jadwalka doorashada madaxweynaha oo si weyn loogu loolami doono.

Dhinaca kale waxaa caasimada ka socda kulamo ballaaran oo siyaasadeed, isla-markaana qayb ka ah ololaha doorashada madaxweynaha, kuwaas oo ay wadaan musharixiinta madaxweynaha oo hadba dhinac u kala jeedinaya xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

Doorashada Soomaaliya ayaa guud ahaan daahday, kadib markii ay marar badan dib u dhaceen jadwalladii lasoo saaray, taas oo uga sii dartay xaaladda adag ee lagu jiro.

The post Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo guddoomiye doortay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this