Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa tuma haweeneyda Putin gacanta midig u ah ee uusan la’aanteed tallaabo qaadi karin

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa tuma haweeneyda Putin gacanta midig u ah ee uusan la’aanteed tallaabo qaadi karin?

Elvira Nabiullina
Elvira Nabiullina

Waxay Vladimir Putin xulafo la ahayd in ka badan 20 sannadood.

Elvira Nabiullina oo ka soo jeedda qabiilka Tataarka oo ah dadka ugu tirada badan marka laga hadlayo qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Ruushka, ayaa waxay caan ku tahay in ay xifdiso gabayada Faransiiska marka laga soo tago awooddeeda iyo naxariisteeda xilliyada adag, laakiin sidoo kale waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqota bangiga dhexe ee Ruushka.

Putin oo xulafo la ahaa tan iyo markii uu xafiiska qabtay sannadkii 2000, hoggaamiyaha Kremlin-ka ayaa u magacaabay wasiirkiisa horumarinta dhaqaalaha, ka dibna, markii uu ku guuleystay markii saddexaad, waxay ka mid noqotay kooxdiisii ​​​​dhanka la-talinta u qaabilsanayd.

Isbeddel weyn ayaa 2013-kii ku yimid xifadeedii ka dib markii Nabiullina ay noqday madaxweynaha Bangiga Dhexe ee Ruushka, oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dalka.

Sannadihii ay madaxda ka ahayd Bangiga waxa ku habsaday musiibooyin badan, laakiin markasta hadafka ugu weyn waxa uu ahaa in dhaqaalaha laga badbaadiyo dagaalka.

Haweeneydan gaaban, ee saameynta badan leh, waxay haysaa furaha siyaasadda ee lacagta dalka.

Taasi waa sababta, dadaalka lagu raadinayo dhaqaale xasiloon, maalgashadayaasha iyo falanqeeyayaasha ayaa isticmaalaya calaamado dharkeeda ah, gaar ahaan jijimaha, qamaarada madaxa lagu xirto, ama biinanka quruxda badan ay ku xirato dharkeeda.

Luuqadda iyo calaamadaha gaarka ah ee ay adeegsato

“Anigu calaamad kasta wax baan ku dhejiyay, laakiin ma rabo inaan sharaxo,” Nabiullina ayaa sidaasi u sheegtay telefishinka Ruushka laba sano ka hor.

Qaar waxay aaminsan yihiin in marka uu xirato qamaarka lagu xardhya sawirka shimbirta, ay calaamad u tahay sare u kaca lacagaha dulsaarka; ama marka uu xirato biin midab qaanso roobaad leh, waxa uu muujinaysa inay dooneysa in la yareeyo ama laga hortago sicir bararka soo socda .

Elvira Nabiullina waxay ahayd la taliyaha dhaqaalaha Vladimir Putin ka hor inta uusan noqon madaxweynaha Bangiga Dhexe ee Ruushka.
Elvira Nabiullina waxay ahayd la taliyaha dhaqaalaha Vladimir Putin ka hor inta uusan noqon madaxweynaha Bangiga Dhexe ee Ruushka.

Dhowr maalmood ka dib markii uu Ruushku galay Ukraine 24-kii Febraayo, “Waxay ka soo muuqatay meel fagaaro ah iyada oo ku labisan dhar madow, oo aad mooddo inay baroor-dhiiq ku jirto,” ayay tiri Olga Shamina, oo ah tafatiraha barnaamijka dhaqaalaha ee BBC Russia Channel.

Biinanka, waa mid ka mid ah qaybaha nidaamka isgaadhsiinta gaar ahaan marka ay adagtahay xaaladda bangiga Ruushka si ka soo qaybgalayaasha suuqa maaliyadeed ay u fahmaan “waxa dhacaya iyo waxa laga filayo” Bankiga Dhexe.

Tusaale ahaan, markii suuqyadu burbureen bishii Maarso 2020 markii uu jiray xanuunkii Covid-19, “Nabiullina waxay xiratay jijin qurux-badan taas oo muuineysa in arrintu adagtahay sida uu sheegay dhaqaaleyahan reer Ruush ah.

Bishii Abriil ee sannadkaas, markii qof kastaa uu karantiil ku jiray, waxay garabka ku soo xiratay biin laga matalay guri. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyayna biinanka waxa ay noqdeen kuwo ay marba walbo baddasho kuwaasi oo muujinaya alaamada kala duwan sida: shabeelka, qaansada, fallaarta iyo calaamado kale oo aan la qiyaasi karin.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine, Nabiullina laguma arag meel fagaare ah iyadoo weliba xiran mid ka mid ah biinankii iyo calaamadihii lagu yaqiinay.

Ka dib ku dhawaad ​​toban sano oo ay maamulaysay bangiga dhexe, “haweeneyda biinanka kala baddaleto” ayaa dhawaan dib loo magacaabay si ay u sii hoggaamiso bangiga ilaa sannadka 2027, muddadaas oo u noqon karta tijaabada dhammaan xirfadaheeda kor loogu qaadayo dhaqaalaha aan cagaha badan ku taagnayn ee Ruushka.

 

Waxaa loo yaqaanaa inay ka mid tahay dadka ugu awoodda badan Ruushka

.

Sanadihii ay ka shaqeyneysay Bangiga Dhexe, Nabiullina waxay aqoonsi ka heshay hay’ado caalami ah sida Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), ganacsato, maalgashadayaasha, bangiyada iyo istaraatiijiyadaha dowladda oo u arkayay inay tahay xirfadle karti leh.

Tusaale ahaan, waxaa aad loogu ammaanay markii ay la noqotay in ka badan 300 oo shati oo la siiyay bangiyo iyo shirkado kala duwan kuwaas oo la sheegay inay u muuqdeen kuwo daciif ah ama aan anshax lahayn, taas oo ka dhigan saddex-meelood meel meel ka mid ah hay’adaha deynta ee Ruushka.

Doorkeeda ugu weyn waa “ilaalinta Kremlin-ka”

Waxa ugu muhiimsan waa in guusheeda caalamku aqoonsan yahay aysan ahayn sida ay u muuqato.

Tusaale ahaan waxay tilmaamayaan in bangiyada qaarkood ay ku xirmeen in ololihii ay Nabiullina hogaaminasay (sida Bank Otkritie, B&N Bank iyo Promsvyazbank) ay kaceen kuwaas oo markii dambe lagu badbaadiyay hantida dadweynaha.

Nabiullina
Nabiullina

Waxa kale oo ay ku dhaleeceeyaan daah-furnaan la’aanta ka jirta qaar ka mid ah hawlaha bangiga ay hoggaamiso oo u xagliyo shirkadda saliidda ee Rosneft.

Maximilian Hess, oo ah cilmi-baare ka tirsan barnaamijka Eurasia ee machadka cilmi-baarista siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa u sheegay Raadiyaha Qaranka Mareykanka (NPR) “Nabiullina waxay badbaadisey malaha shirkadda aad ugu dhow Kremlin-ka.”

Waxa uu sheegay inay jiraan calaamado muujinaya in Nabiullina ay ahayd “Putin saaxiibkiisa ugu dhow” tan iyo markii uu xukunka qabtay.

“Bankiga dhexe ee Ruushka ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta dhaqaalaha iyo in la xakameeyo sicir-bararka sida bangiyada dhexe ee kale oo badan, laakiin dhab ahaantii Nabiullina waxa ay leedahay mas’uuliyad gaar ah oo ilaalisa xukuumadda Kremlin-ka,” ayuu yiri Hess.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this