Deeq A. Posted May 5, 2022 (SLT- Cape Town)-Alle ha u naxariistee nin Soomaali ah oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal ayaa budhcad hubeeysan waxa ay ku dileen Tuulada Phillipi oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika. Marxuumka ayaa markii la dilayey waxa uu watay Gaadhi uu adeeg ku siday oo marayey wado cidhiidhi ah sidaasna ay Tuugadu ku toogatay. Goobta Marxuumka waxaa isla markiiba ka baxsaday Tuugadii dilka geysatay ka hor inta ayna Booliska soo gaadhin. Howlgal lagu baadi goobaya ragii dilka geystay ayaa booliska ka bilaabeen isla goobta iyagoo ku raad jooga dableeydii toogashada u geystay muwaadinka soomaalida. Source Share this post Link to post Share on other sites