Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay MUQDISHO + khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Israsaaseynta oo u dhexeysay askar ka wada tirsan milatariga Soomaaliya ayaa ka dhacday xaafadda Tarabuushka ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dhawaqa rasaasta oo muddo kooban socotay ayaa si xoogan laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo cabsi ay soo wajahday shacabka ku dhaqan halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in askarta geeriyootay iyo kuwa dhaawaca ah ee diriray a yihiin qaraabo, gaar ahaan walaalo ilmo adeero.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalkan wuxuu yimid kadib muran iyo is qab qabsi ka dhashay guri uu mid ka mid ah askarta dagaalantay uu ka dhistay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta degmada oo ku aadan dhacdadaasi sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha caasimada, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka shacabka ee mar kasta lagu kor dagaalamo.

The post Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay MUQDISHO + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this