Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Siyaasadeed oo ka aloosan Puntland+Axmed Karaash oo Caydhiyey Wasiiradii ugu tunka waaweynaa Xukumada Deni,Halkoodiina u Magacaabay kuwo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Axmed Karaash oo Caydhiyey Wasiiradii ugu tunka waaweynaa uguna Awooda Badnaa Xukumada Deni,Halkoodiina u Magacaabay kuwo cusub

Deni iyo Karaash
Deni iyo Karaash
PhotoCollage_20220505_023713535.jpg?resi

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in uu xilalkii ka qaaday Wasiiradda Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Arrima Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Amniga Cabdisamed Galan.

Axmed Karaash ayaa wareegtada ku sheegay in uu C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) u magacaabay Wasiirka Maaliyada, halka Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta, sidoo kale wuxuu Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) u magacaabay Wasiirka Amniga iyo DDR-ta.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u sheegay in aysan dhaqangal ahayn wareegto kasta oo uu soo saaro Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, iyadoo Madaxweyne Deni ku mashquulsan yahay ololaha doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this