Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka loo yaqaanno Guutada Somalia (Somalia Battalion) maxay ka sameeyeen Magaalada Mariopol?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka loo yaqaanno Guutada Somalia (Somalia Battalion) maxay ka sameeyeen Magaalada Mariopol?

Dagaalka Ukraine

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa mar kale soo cusboonaysiiyay hadal haynta ku saabsan ciidamada Ruushka taageersan ee loo yaqaanno “Guutada Somalia”, kaddib markii ay gacan ka gaysteen dagaalkii ka socday magaalada Mariupol.

Kaddib markii uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu, ku dhawaaqay in Ciidanka waddankiisa ay la wareegeen magaalada Mariupol oo in muddo ah la isku hor taagnaa, waxaa durbadiiba soo baxday in guutada loo garan og yahay “Somalia Battalion” ee dalka Ukraine, balse Ruushka la safan ay kaalin wayn ku lahaayeen howlgalka ka dhacay Mariupol.

Telefishinka Ruptly ee laga leeyahay Ruushka ayaa ka mid ahaa warbaahinta ugu horreysay ee soo tebiyay in Guutada Somalia iyo ciidanka Ruushka oo is garabsanaya ay la wareegeen magaaladaas uu dagaalka culus ka socday tan iyo markii ay militeriga Ruushka weerarka ku qaadeen Ukraine.

Warbaahinnada kale ee caalamka qaarood, sida telefishinka Republic World, oo fadhigiisu yahay Hindiya, ayaa hadal hayay wararka ku saabsan Guutada Somalia ee ka dagaallantay Mariupol iyo nawaaxigeeda.

Maalmo kaddibna, ciwaannada warbaahinta waxaa qabsaday warka ku saabsan in guutadaas ay ka faro xalatay furimihii dagaalka ee Mariupol goobihii ay xoogaggeeda qabsadeenna ay ku wareejiyeen Militeriga Ruushka, iyaguna ay dib ugu laabteen halkii ay duullaanka kasoo qaadeen oo ah gobolka Donetsk.

Waxaa la shaaciyay muuqaallo laga arkayo ciidamada “Somalia Battalion” iyo taangiyadooda oo si weyn loogu soo dhaweeyay Donetsk, iyagoo loo ruxayay ubaxyo iyo caleemo qoyan.

Tank columns of the DPR assault battalion "Somalia" are leaving Mariupol.

People in Donetsk greeted them with flags and flowers.

Defense Minister Sergei Shoigu announced the transfer of Mariupol under the control of Armed Forces of Russia. pic.twitter.com/ljy72Qrn3c

— Marina (@larovere2025) April 22, 2022

Ciidankan oo lagu naanayso “Ma naxayaasha” ayaa sidoo kale ka dagaallamaya furimaha hore ee gobolka Donbas oo ay isaga soo horjeedaan ciidamada dowladda Ukraine.

Dabayaaqadii bishii February, markii uu billowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayuu si aad ah usoo shaac baxay magaca kooxdan oo horay loo oran jiray “1st Separate Tank Battalion Somalia”.

Ma jiro qof Soomaali ah oo ku jira xoogaggan balse waxay go’aansadeen in ay qaataan magacaas.

Ciidamada Ruushka

Mikhail Tolstykh, oo taliye u ahaa guutadan ayaa sanadkii 2017-kii lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Donetsk oo ay doonayaan in ay ka gooyaan Ukraine inteeda kale.

Mid ka mid ah waxyaabaha la yaabka leh ayaa ah in taliyihii hore ee kooxdan uu magaca Somalia u xushay maadaama sida uu sheegay ay “ciidankiisu u yihiin kuwo aan cabsi lahayn oo geesiyaal u ah sida Soomaalida”.

Dowladda Ukraine oo horay uga hadashay Guutada Somalia ayaa ku tilmaantay in ay yihiin koox argagixiso ah oo cadow ku ah dalkeeda, inkastoo ay dhammaantood yihiin dad u dhashay Ukraine.

Ruushka ayaa wali wada dagaalka ka dhanka ah Ukraine oo hadda socda in ka badan 2 bilood, magaalada Mariupol-na wali waxaa laga wadaa daad guraynta dadka rayidka ah.

Isku day cusub oo lagu doonayo in dadka deegaanka looga qaado magaalada Mariupol iyo nawaaxigeeda ayaa billowday maanta oo Arbaco ah.

 

Dagaalka Ukraine

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka, Pavlo Kyrylenko, ayaa sheegay in kolonyo basas ah oo dadka rayidka ah qaadaya loo diray halkaas.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa sheegay in dagaalyahannada reer Ukraine ee difaacaya warshadda birta ee Azovstal si buuxda loo go’doomiyay.

Waxa uu intaas ku daray in militeriga Ruushku ay bartilmaameedsan doonaan gaadiidka xamuulka ee NATO ay hubka ugu gudbinayaan Ciidamada Ukraine.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this