Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee ganacsiga oo kusoo biiray murashaxiinta madaxweynaha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)– Eng. C/llaahi Cali Xasan, wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay murashax madaxweyne, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay sababaha ku kalifay in xilkaan u istaago xiligaan.

Murashax C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in 62 sano kadib markii gumeystihii xornimada laga qaatay in shacabka Soomaaliyeed ay heystaan daruufo qalafsan oo ay la dhibaateysan yihiin kuwaasoo isugu jira abaaro, faqri, amni daro, maamul xumo iyo caddaalad daro, isagoo sheegay in dhamaan arrimahaasi ay sababeen dowlad xumo, ku-takrifal awoodeed iyo khilaaf siyaasadeed oo soo noqnoqday 62 sano tan iyo markaan xornimada qaadanay.

Murashaxa ayaa intaa raaciyay in dhibaatooyinkaasi shacabka haysta in looga bixi karo iyo xal u helidooda inay tahay arrin u taal dadka Soomaaliyeed oo ugu horeeyo hoggaanka dhawaan la dooran doono, madaxda kale ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo uu sheegay in mustaqbalkooda cida go’aamin karta ay shacabka yihiin.

Eng. C/llaahi ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in dowladnimadu aysan aheyn mid loogu adeego danaha koox ama shaqsi gaar ah, balse ay tahay mid dadku wada leeyahay, dowladooduna tahay mid shacabka danahiisa iyo maslaxadiisa guud ahaan ka shaqeysa.

Murashaxa ayaa sheegay in loo baahan yahay isbadal dhab ah iyo hoggaan hufan tallo wadaag ah, karti leh, hoggaan aqoon iyo waaya aragnimo leh, hoggaan amaano leh oo  caddaalad ku hoggaamin kara dalka iyo hoggaan dadka xilka u dhiibteen u gudan kara si caddaalad alle ka cabsi leh, hadii uu gudan waayana xilkaasi guuldaradiisa aan dadka kale u saarin ee shacabka kusoo celiya amaanadii ay u dhiibteen.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa sidoo kale sheegay in uu fahamsan yahay daruufaha adag ee dadkeena haysta iyo sida looga gudbi karo iyo horumarka la doonayo iyo waajibaadka adag ee laga sugaayo madaxweynaha cusub ee la dooran doono.

Murashaxa ayaa sheegay inuu aaminsan yahay aqoonta iyo kartida uu u leeyahay hoggaaminta dalka haddii ay noqon laheyd aqoon, karti, ammaano, iyo waaya aragnimo uu ku gudan karo xilka madaxweynenimo haddii loo doorto.

The post Wasiirkii hore ee ganacsiga oo kusoo biiray murashaxiinta madaxweynaha Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this