Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada madaxweynaha oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1651669698141.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha, kuwaas oo ka kooban 17 xubnood.

Golaha Shacabka ayaa soo xulay 10 xubnood, halka Aqalka Sare uu soo xulay 6 xubnood, xubina waxaa wadajir u soo wada magacaabay guddoomiyeyaasha labada Aqal.

Xubnaha Golaha Shacabka

1. Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed
2. Xildhibaan Cali Xaaji Daahir Suleebaan
3. Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar
4. Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey
5. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucallimuu
6. Xildhibaan Cabdiwahaab Cumar Axmed (Caananuug)
7. Xildhibaan Cumar Yuusuf Qaladiid
8. Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

9. Xildhibaan Maxamed Keerow Maxmed

10. Xildhibaan Cabdiqani Ismaaciil Siciid

Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo wadajir loo magacaabay.

Xubnaha Aqalka Sare

1. Sen. Cali Maxamuud Gacal
2. Sen. Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar
3. Sen. Cabdiqani Geelle Maxamuud
4. Sen. Farxaan Cali Maxamuud
5. Sen. Ibraahim Awgaab Cismaan
6. Sen. Samsam Cabdullaahi Axmed

Guddiga maanta la magacaabay ayaa diyaarinaya doorashada madaxweynaha oo lagu wado in ay dhacdo todobaadyada soo socda.

FB_IMG_16516866102867688.jpg?resize=642% FB_IMG_16516867220085055.jpg?resize=643%

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashada madaxweynaha oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this