Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo ATMIS oo Kawada Hadlay Aminga Doorashada Madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta la kulmay saraakiisha howlgalka ATMIS, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya amniga dalka.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga doorashada madaxweynaha oo dhowaan ka qabsooomi doonta caasimadda, maadaama maanta  Baarlamaanku ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada.

Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika Fiona Lortan, ku-xigeenka taliyaha ciidanka ATMIS Jeneraal William Shume, Iyo Meg. George Kuteesa oo ah Taliyaha Guud ee qaybta ( Sector One) ee ciidanka ATMIS.

Shirkaan ayaa waxaa kusoo aadayaa iyadoo howlgalka nabad ilaalinta ATMIS kaalin weyn ay ka qaadatay amniga guud ee goobtii doorashada ee  dhowaan lagu soo gabagabeeyay doorashada labada gole ee Barlamaanka 11-aad.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this