Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday dekedda iyo garoonka Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
10.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqday dekedda iyo garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Boosaaso.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa kormeer ku sameeyay shaqada ka socota garoonka iyo dekedda oo kamid ah ilaha dhaqaalaha Puntland.

Axmed Karaash ayaa bogaadiyay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda iyo sidoo kale mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso.

Waan ku bogaadinayaa masuuliyiinta wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo masuuliyiinta garoonka shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Puntland” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

3-2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 12.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 11.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday dekedda iyo garoonka Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this