Sign in to follow this  
Deeq A.

 Maxaa sababay rabshadihii Addis Ababa ka dhacay xilli la tukanayay Salaadda Ciidda?

Recommended Posts

Deeq A.   

 Maxaa sababay rabshadihii Addis Ababa ka dhacay xilli la tukanayay Salaadda Ciidda?

Itoobiya

Booliska Itoobiya oo adeegsanayay sunta dadka ka ilmaysiisa ayaa Isniintii isku dhac muddo kooban socday waxay isaga hor yimideen dhallinyaro Muslimiin ah, xilli ay socotay salaadda ciidul fitriga.

Arrintan ayaa ka dhacday bannaanka hore ee garoonka ciyaaraha caalamiga ah ee ku yaalla bartamaha magaalada caasimadda ah, halkaas oo ay Muslimiin badan ku xusayeen ciidda.

Maadaama barxadda gudaha garoonka ay buuxsantay, qaar ka mid ah dadka ayaa billaabay in ay bannaanka ku tukadaan, gaar ahaan fagaaraha Meskel.

Xubin ka mid ah golaha sare ee Muslimiinta magaalada Addis Ababa ayaa AFP u sheegay in aan la garanaynin sababta keentay isku dhaca.

Askari ka tirsan booliska ayaa dadka isu yimid ku tuuray bam ka samaysan sunta dadka ka ilmaysiisa, balse “ulakac ma ahayn,” sida uu sheegay sarkaalkan, isagoo soo xiganayay shaqaalaha isxilqaamay ee ka howlgalayay halkaas.

“Askarigii waxaa goobta ka kaxeeyay askarta kale ee booliska, balse dadka ayaa argagaxay, qaarkoodna waxa ay billaabeen inay ku luuqeeyaan hal ku dhigyo… durbana xaaladdii ayaa faraha ka baxday.,” ayuu yidhi.

Addis Ababa

Taliska booliska Addis Ababa ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in “rabshadda” ay sababeen “dhowr qof” ayna keentay burbur hantiyeed, hase yeeshee xasiloonidii dib loo soo celiyay.

“Mas’uuliyiinta booliska waxay bulshada ka codsanayaan inay is dejiyaan,” ayaa lagu yidhi bayaanka, waxaana intaas lagu daray in shacabka lagu soo wargelin doono waxyaabaha sababay qalalaasahaas.

Wariyeyaasha goobta ku sugnaa ayaa sheegay in mudaharaadeyaasha qaarkood ay dhagaxyo ku tureen booliska, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin “caddaalad haloo helo Gondar” iyo “ha gelin masjidyadeenna, ha dilina dadkeenna.”

Xiisadda Gondar

Ugu yaraan 20 ruux ayaa bishii lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Gondar oo ku taalla gobolka Amxaara ee waqooyi-galbeed dalka Itoobiya, kaddib markii “koox Masiixiyiin xagjir ah” oo aad u hubaysan ay weerar ku beegsadeen Muslimiin aas samaynayay, sida uu sheegay urur Islaami ah oo halkaas ku sugan.

Weerarkaas ayaa dhacay xilli lagu guda jiray aaska muwaadin ka mid ah bulshada Muslimiinta.

Kooxda duullaanka samaysay ayaa “adeegsaday hubka darandoorriga u dhaca iyo bambooyin.. taasoo keentay dhimashada dad badan iyo dhaawaca kuwo kale,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay ururka Muslimiinta ee gobolkaas.

Maxaa sababay?

Duqa magaalda Gondar, Zewdu Malede, ayaa warbaahinta Itoobiya u sheegay in falkaas “ay gaysteen shakhsiyaad kooban oo xagjir ah.”

Weerarka dadka lagu laayay ayaa yimid kaddib markii uu qalalaase ka dhashay dad dhagaxyo ku tuuray goobta aasku ka socday, iyagoo ka dagaallamayay warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in qalabka aaska loo adeegsaday qaarkood laga soo qaatay qabuuro ay masiixiyiintu leeyihiin oo ku yaalla aaggaas, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda gobolka Amhara.

Addis Ababa

Dowladda ayaa intaas ku dartay in baadhitaan lagu wado dhacdadan, si adagna loola xisaabtami doono dadkii ka dambeeyay.

Mudaharaadeyaasha dhagaxyada tuurayay ayaa sidoo kale burburiyay daaqadaha muraayadaha ah ee madxafka qaran ee ku yaalla fagaaraha Meskel, ka hor inta aan xiisadda la dejinin.

Mas’uul ka tirsan hoggaanka Muslimiinta ee Addis Ababa ayaa AFP u sheegay in salaadda Ciidul Fitriga sanad walba lagu tukado magaalada caasimadda ah tan iyo markii xukunka lagala wareegay dowladdii Dergiga sanadkii 1991-kii.

Itoobiya oo ah waddan qowmiyado badan ka kooban shacabkiisa waxaa u badan kuwa haysta diinta Masiixiga, halka qiyaastii 30% ka mid ah dadka waddanka ay yihiin Muslimiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this