Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay weerarkii Al-shabaab ku qaadday Ceel Baraf

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarkii shalay Al-shabaab ku qaadday Saldhiga Ciidamada Midowga Midowga Afrika ee Degaanka Ceel Baraf oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

“Qaramada Midoobay waxa ay cambaareyneysaa weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee ciidamada nabad ilaalinta Burundi” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay waxay tacsi u dirtay dadkii ku dhintay weerarkaas waxayna caafimaad deg deg ah u rajaysay kuwii ku dhaawacmay.

“Qaramada Midoobay ayaa tacsi u dirtay dadkii ku dhintay weerarkaa, waxayna u rajeyneysaa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay”

Sidoo kale waxay sheegtay in ay garab taagan yihiin Hawlgalka Nabad Ilaalinta ATMIS iyo ciidmada dowladda Federaalka Soomaaliya si loo hagaajiyo Amniga dalka.

“Waxay si adag u garab taagan tahay ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya dadaallada ay ku hagaajinayaan amniga Soomaaliya” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay weerarkii Al-shabaab ku qaadday Ceel Baraf appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this