Chimera Posted October 23, 2006 to my nomad brothers and sisters could you put down Somalia's past and recent poets and a little bit about their background and history i'm really interested Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 27, 2006 Salam Aleikum W.W The only Somali poets that I'm familiar with are Sayyid Mohammed Abdullah Hassan & Elmi Ismail Liban "Bodhari"..and I believe the overwhelming majority of the Somalis including you, are familiar with these two great Somali men. I got few of their poems and i can post it here if you like. just let me know if you're interested Insha Allah. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chimera Posted October 28, 2006 wa alaikum salaam thanks sxb and please post whatever you can! i was hoping for more names like they claim in this book Diiwaanka Gabayada- Gurmad 1 (A collection of Somali Poems- volume one). The book contains 80 selected poems from over 50 best known Somali poets. Over 80% of these poems have not been published before. The book contains 170 pages (4-color cover). volume 2 if i only knew their names and history and work i will buy these books one day when i tottaly master af somali Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 Salam Aaleikum W.W Don't worry my brother, you'll get there Insha Allah...i aspire to master my mother tongue as well so i could compose somali poems. this is arguably the most famous poem of Sayyid Mohammed Abdullah Hassan and its called "Koofil" ot Gorfield. Adaa koofilow jiitayaan dunida joogeyne Adigaa jidkii lagugu wadi jimic-la´aaneede Jahannamo-la-geeyyow haddaad aakhiruu jahato; Nimankii januu kacay war bay jirin ishaalleeye jameecooyinkii iyo haddaad jowhart!i aragtid Sida eebbahay kugu jirrabay mari jawaabteeda; Daraawiish jikaar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh Waxay noo janjuunteenna waa jibashadiinii dheh; Anigana jigray ila heleen shalay jahaadkii dheh Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jiteeyeen dheh Jeeniga hortiisay rasaas igaga joojeen dheh; Jiiraayaday ila dheceen jilic afkoodii dheh Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego Billawuhu siduu kuu jarjaray jeerarka u muuji; Naf jeclaysigeed baan u iri jaaloow iga daa dheh Jaljalleecadii baa wadnuhu jeebka soo ruqay dheh Jeedaaladii baa indhuhu kor u jillaadmeen dheh; Jimic kagama helin tuugmadaan jeriyey ruuxii dheh Kolkaan juuq iraahdaba afkay iga jifeeyeen dheh Dhaaxaan jaleecaye dheg baan jalaq la ii siin dheh Goortaan jarreerona gefoo nolol ka jaanqaaday Sida jananaddii hore tashigu igu jaguugnaa dheh Taladii jinnigu ii hormaray jaasadeed helay dheh; Jiidaha xanuunkq leh markii la igu jeeraarshay Jibaadka iga soo baxay dadkii jiifka qaban waa dheh Kolkay rubaddu jow!tiri or bay iga ag jiibsheen dhah; Jiirkayga bahal baa cunoo jiitay hilibkii dheh Jurmidiyo baruurtii dhurwaa jugux ka siiyaa dheh Jiljillaadiyo seedaha tukay igaga jaadeen dheh; Haddaan lays jikaareyn tolkay laga jilroonaa dheh Waligoodba waa lagu jiraa jilibdhig duullaan dheh Sayidkiina waa jibindhawgiyo jowda soo bixi dheh PS. I could do with some translation... Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 Gabaygan wuxuu Sayyidka tiriyey markii uu bixinaaye faraskii uu jeclaa oo la dhihi jiray Xiin- finiin. Xiinfiniin waxaa Sayidka waydiistay nin walaashiis markaas guursaday. Sayidka wuxuu gabayga ku amaanayaa Xiinfiniin, ka dibna wuxuu ka hadlayaa siduu u jecel yahay iyo sida uu qof kale usiiyeen. Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye Markaad Xiin Finiin damacday baan, kaa xanuunsadaye Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye Nin kalaan xafiilaba adaan, xaaydda kaa rogaye Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto Xayow iyo qayumey haddii, la igu xoodaansho Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag Xaggii loo eryaba waa gammaan, xulashadiisiye Xubna-toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe Xayskaa da'aayaan lahaa, Xalin ka dooyeeye Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode Xujeyreebta reer Hagar anaan, xabashyadii ruubin Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise Wuxuun bay xushleeyaan sidii, xabashi ******e Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane Xashaaliillahiye nin goba, xamasho waw ceebe Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne Intii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye Waa Xiin Finiin neefka aad, xarigga haysaaye Xayawaanka oo idil naftey, kala xeraadaane Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaantay Xadhigigiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 my personal favourite poet of all time.. Careys Ciise... Hooyadu Waa Lama Huraan. Hagaag waa loo socdaa Hor waa loo sii hoydaa Hadal waa la hindisaa Mudaan uurka hurudnoo culeys beey hayn jirtoo Xannuun beey la hingatee Hooyadu waa lama huraan Ha`dii kale waxaan lahaa Habeen goor uu bartamay Caanihii beey nagu habtoo Horaadkeey noo dhigtoo Dharkii beey na huwisee Hooyadu waa lama huraan Calooshaadoon hif oran Adiga oon ka haqab`bin Hunguri ma haweeysatee Hooyadu waa lama huraan Habaaq goor aad tahoo Talaabta aan la holi karin Adoo ciidii hambaday Dhaqsaba waa ku hinjisaye Hooyadu waa lama huraan Afka aan ku hadalniyo Hannaankeeniyo hub qaad Hagaag beey noo bartaye Hooyadu waa lama huraan Ha`dii kale waxaan lahaa Innaga oon heybad qabin Hal beeso aan subsan karin Habaaskeey naga huftoo Waa tii noo hiilisaye Hooyadu waa lama huraan Si eeynaan halis u galin Hungurigeey suubisaa Dhaqsaba hoo nama dhahdee Intii eey ka hubsataa Iyada ayaa ku hormartee Hooyadu waa lama huraan Ha`dii kale waxaan lahaa Rerku haduu yahay hayaan Hayinka aan saaran nahay Hogaankeey heeysatoo Hoos beey kaala hadashoo Intii aad ka hurudaa Waa kuu heestaa hadana Hooyadu waa lama huraan Cilmiga shiikh ku hormariyo Nin haamaan ahiyo hanad Iydaa soo heeyn jirtee Hooyadu waa lama huraan Haddii loo baahdo hiil Geesiga loo habar wacdiyo Fulayga aan haadka hubin Iyadaa soo heyn jirtee Hooyadu waa lama huraan Ha`dii kale waxaan lahaa Deeqsi aad soo heybsatoo Hamuuntii kaa ba`shiyo Bakhayl aan kula hadleyn Iyadaa soo heyn jirtee Hooyadu waa lama huraan Aabuhu waa howsha guud Iyana hoos beey hayaan Habantii guriga iyo Hooygii beey noo huftaye Hooyadu waa lama huraan Ha`dii kale waxaan lahaa Geed yare kaa hooshey meel Hadii aad haah dhehdaa Hubkii beey ka hindadoo Iyada oon hagar laheyn Haaw waa tii soo dhahdee Hooyadu waa lama huraan Odagu waa haajiraa Hawuu meel ugu kacaa Haduusan mowdku helin Hortaadeey taagan tehee Hooyadu waa lama huraan Hadii kale waxaan lahaa. Have you ever known a better composed poem in any language..Maasha Allah... this is the greatest poem i've ever read. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 Elmi Ismail Liban "Bodhari". Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale e Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 Hodan Agteeda: Ina adeer hagaagtaye hadaad hilinka sii qaado Hantaaq iyo Illaah kuguma rido hagabyadii Sheekhe Mid hubsiimo badan baad tahoo halo la siiyaaye Adigaan halyay kuu bidiyo huritii Daa'uude Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye Hurdadana habeenkii ma lado had iyo waagiiye Sida hoorimaad baa qalbigu ii hanqadhayaaye Waxaa lay horjoogaa sidii horadhacii geele Inaan haybsigeed dhigay haday Hodan i moodayso Gabadh kalaan haasaawiyaa waa iga haniyaade Hadaan hadiyad caano ugu diro hoohigaa gubiye Maxaan kula hagaagaa yartu way hanwayntahaye. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 his most famous one. Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane Ha yeshee qaraam baygu galay naftaydiyee Hablayahow halkii qoomanayd baad i qabateene Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene Qarqarrada jidhkiyo gacmuhu way qadhqadhayaane Qalbigu wax yeelaa illayn naaska qaawaniye Qosolkaa yar yari waa waxaad nagu qaldaysaane Inaan Eebbehay idin qatalin qariya laabtiina. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 SOO SOCO SIDCIYO QAALIYEY Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde. Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii Dayreede. Xalun baa saqdii-dhexe wax i salaameene. Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodiiye. Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda. Sunayaal madoobay qalbigu saakin kaa noqoye. Soomaali iyo Carabiyo Hindiga sooya laga keenay. Inta samada hoos joogta waad ugu saraysaaye. Soo soco Sidciyo-qaaliyeey saanad baad tahaye. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey Oo haro la soo joojiyo kuray u heegaayo Oo hoobay loo qaaday iyo hees walwaaleedka Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge Ayadoon ciida lagu hamsiin waanaan ka hadhayne Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda Kolkaan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday Ruqruqaansigaygii dambaan soo hambaabiraye u haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tuuraye u hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene u hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene u hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye Wax aanad haynin ood haabsataa habartii weeyaane hoheey iyo hoheey maxaa hadimo la ii gaystay. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 Pity The Heart That Loves: Hannaan Quruxsan Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene Hal abuurka kuum aaan tirsheen heesta caashaqa e Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye Markaan keligeey haasaawayee aan islahadlaayo Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye Hadaaq ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye Imikuu u hees yidhi gab'dhaa taan hanteen rabaye Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay-hayso Ama lebiga hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey Oo haadku dhaafoo shinbiro cimilo goor heesa Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale'e Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale Qaar buu gabdhaha hilibku iyo hugu cusleeyaaye Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey Dhaxdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 Maxaan Hodan Cabdaay Kaaga Go'i Waayey? oooohhh! Intaan adiga kugu gooni ahaa geed hadaan la hadlo Ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene Gaaladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey? Sidii aad go'aygii tahiyo macawistaan goostay Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin Ama aan gayiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey? Gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa igarab taagay? Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey? Mana goosan kari waayin oo geesi baan ahaye Adaan kaa gungaadhaayey oo helay guntaadiiye Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey? Haatanse waan guursan hadii guule ii wacaye Oon weliba gedahaaga ka dayan goboladiiniiye Iyadoo gadiid u eg markaan Gu'ga kaxaynayo Ee aan Gahaydhiyo la tago Gubanadii Hawdka Ee aan ganuunta ugu shubo gooha labankeda Geblayda iyo ciyaaraha markuu geeljiruhu tumayo Ha gayoobin, waataad lahayd gool jabaan helaye. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 CAASHAQA HAWEEN Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye Sayidkii cishqiqa nuureiyo Caliba soo gaadhye Caruurtay sideen ciirshe meesha iyo nebigiiye Cidla lagama beermeen dadkoo cudud waaxidahe Waxa caynba cayn looga dhigay ha is cajabiyaane Soomaalidaa caado xune cidi iguma caydeene Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye Kuwii ii calaacalay baan caqli tusaalayne Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaye Curuuqda maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda Ma ciidaamkanaa jabinaya cunaya dhuuxooda Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho la'ii diidye Caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku cir-cadaayeeyey Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey Muga inaan cadaadaa baan ka biqi Canab darteede Cududuhu ma naxaan qofkay talo ku ciirtaaye Casharkay wadaadadu qoreen cudurkan go'i waayey Cilmi dawo waliba doontay oo weyday cilinkiise Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu ciroobay. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted October 28, 2006 according to the website I got it from, it says this is one of his last ever poems before he died. LUQUN MADOOBE AWRKUBA Luqun madoobe awrkuba kolkuu laacdan baranaayo Isagaa u laakima badanaa laqanka xoolahe e Hadba qaalmo laacdan ah wuxuu luqun jibaadhaba Lix intaanu jirin haduu laacib ku ahaado Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye Anna laabta kama gooynin caashaqii ladane Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere Midnaay hays ku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye. That's all i could find..i will post if i find any new material from any Somali poet Insha Allah. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites