Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ku qaadday Saldhiga Ceel Baraf

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday saldhig ay leeyiiin ciidamada Burundi ee ka tirsan Hawgalka ATMIS, kaas oo ku yaalla tuulada Ceel Bara fee Gobolka Shabeellada dhexe.

Bayaan uu soo saaray Guddoomiyaha Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayuu ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarkan, isaga oo intaas ku daray in aysan dhacdadaas hoos u dhigi doonin go’aannada ciidamada ATMIS.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkaas oo ay ku tilmaatan in uu ahaa mid fool xun, iyadoo sidoo kale tacsi uga dirtay shacabka iyo dowladda Burundi waxyeellada kasoo gaartay ciidankooda.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale beesha caalamka ka codsaday inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee la dgaallanka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Midowga Afrika oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ku qaadday Saldhiga Ceel Baraf appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this