Deeq A. Posted May 4, 2022 Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si kala gaar ah u yeelanaya kulamo lagu dhisayo guddiga doorashada madaxweynaha oo ka kooban xubna laga soo xulay labada Aqal. Farriimo xalay loo kala diray xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in maanta oo Arbaco ah la dooran doono guddi isku dhaf ah oo qaabilsan doorashada madaxweynaha. Dhinaca kale waxa weli muran ka taaganyahay xildhibaannada ku soo baxay kuraasta Gobolka Gedo kuwaas oo lagu kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarrey. Labada dhinac ee Ceelwaaq iyo Garbahaarrey ayaa kulankii hore ee Baarlamanka iska xaadiriyay waxaana ka dhashay buuq iyo jaah-wareer xooggan. Sidoo kale maanta ayaa wararku sheegayan in xubnaha Garbahaarrey qaarkood ay durba tageen xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa halkaas oo uu ka furmayo Kulanka maanta. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Kulamada Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites