Sign in to follow this  
Allamagan

Ku: Abshir Bacadle -- Ka: Maxamuud Axmed Colaad (Filig). GABAY Jawaaba!

Recommended Posts

GABAY Jawaaba! oo ku socda Abshir Bacadle oo uu tiriyey Maxamuud Axmed Colaad (Filig).

 

 

Abshirow daliil gabay haddan deelka ka hinkaadsho

Deelqaafki aad tiri haddaan dood yar ka iraahdo

Anigoon dambaabaynin baan kuu dulmarayaaye

 

Mar-eexaanku dooxada Jubbu dagin uyaalaaye

Duulkaad ka sheekaysay bay daris wadaagaane

Deerkaa ukala rogan Ab-same taniyo Dowlowe

 

Doqon-diide iyo Cowramale D-ir iyo shiiqaasha

Mushunguliga deexdiyo Har-tida duq iyo waayeelba

Dugaag mahan oo ehelnimaan kala dugaalnaaye

 

Diiraro anoo joogo iyo daawo iyo gowlin

Digaal iyo anoo dowmacaan dalab ku maalaayo

Dooyaan ku tagi meelkastoo la iga doonaaye

 

Daa-roodku waa wada dagaa doolo iyo howde

Danihiisa uma sheegi jirin dayday iyo tuuge

Waxaad adigu ugu duubatiyo Daahir garan waayay

 

Dowladnimada maantay dhacdee daqaydu naafowday

Dooxatadu markay soo gashee dumarka laynaysay

Dab inaad ridaysaan maqloo dirirtay waagiiye

 

Moor-yaan inaad dabagashaan daabaceed helaye

Shaydaan nimuu duufsadoo daacay baad tahay

Darsin dhigo islaanimadi baad darafka joogtaaye

 

Nin ku dilay markuu diyo baxshaa la iska daayaaye

Isagoo dabaabaadki iyo danabki heegeeysan

Hadduu duubcad kuu soo xirtaa digasho weeyaane

 

Duulaanka xamar waa qabiil loo durbaan tumaye

adiguna danaanaad u tiri nimanku waa doole

ama doolar tobanhaad cuntood u digrinaysaaye

 

Daroogada cagaarani aday daawa kuu tahaye

Adaa deeq ilaahay u qabay dahab islaameede

Guryahoodiii kuwaad diirateen dabato weeyaane

 

Hiiraale niman doortay buu daaci u ahaaye

Isagoo dadkiisii watuu duulan soo kicine

Damiciinu wuu guri haddaan moodku daqarayne

 

Dayniile iyo Dari wanaag looma daadihine

Dakadoodi waa laga xiroo looma soo dagee

Digniin bay baxsheen oo hadday dirir u joogaane

 

Haddii aad Daraawiish tihiin diinta u adeego

Oo aan dakanadiii horiyo xumo la daacaynin

Cirfe maxaa dikee loogu yiri wabiga daaftiisa

 

Dhuxulow dariiquu xirtiyo Yuusuf dabinkiisi

Maxaa loo dulmaray waan ogeeyn dacatigoodiye

Dambigay galeen ma adinkaa daahir uga yeelay

 

Shariifkuba dadaal iyo wanaag buu dalbanayaaye

Daniihiisa inuu khayr u huray baan daninayaaye

Waxse dilay rag diriqsanahayiyo ducuful iimaane

 

Haddii diinta eebahay sharciga lagu dabaalaayo

Oo daalimiintii dhulkaan laga dul qaadaayo

Maandhow maxaan diidayaa daraja weeyaane

 

Daaraha shabeeliyo inataad dagalka meereeyso

Dukaanada ismaaciil inataad laba diblaynayso

Dalgii agoontiyo intaad daaqa guraynayso

 

Tunni duunyadeedii intaad darar ka maalayso

Diriciyo cimaamaduhu waa dac iyo ciideede

Ka dabaasha adinkaa xumaan diin u qaayibaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this