Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Aadan Madoobe oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo dhammeystirka doorashada.

Aadan Madoobe ayaa xalay qaabilay madax kala duwan oo uu ka mid yahay  madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo booqasho ugu tegay.

Kulanka wuxuu ujeedkiisu ahaa salaan iyo hambalyo, waxaana uu Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoygiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Xildhibaan Mahdi Maxamed Guleed.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadlay marxaladda kala guurka ah ee doorashada dalka.

Raiisul Wasaare ku xigeen, Xildhibaan Mahdi Guleed oo u hambalyeeyay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalada socda ee looga gol leeyahay dhameystirka doorashooyinka iyo soo af-jaridda marxaladda kala guurka.

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu qaabilay musharrax madaxweyne Cabdinuur Sheekh Maxamed oo isna xalay booqasho ugu tegay gudoomiyaha.

Cabdinuur ayaa hambalyo, kadin, waxaana ay isla soo qaadeen dedejinta doorashada madaxweynaha dalka.

Kulamadan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu dhammeystirayo doorashada, gaar ahaan mida madaxweynaha oo la qabanayo maalmaha soo socda.

FB_IMG_1651647109351.jpg?resize=696%2C47 FB_IMG_1651647101073.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1651647095876.jpg?resize=696%2C45 FB_IMG_1651632052364.jpg?resize=552%2C36

The post Sawirro: Aadan Madoobe oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho + ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this