Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo $18 milyan oo Dollar ku bixisay Caydhinta shirkadda  P&O oo gacanta ku haysay Dekeda Bosaso DP World-na…..

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntland oo $18 milyan oo Dollar ku bixisay Caydhinta shirkadda  P&O oo gacanta ku haysay Dekeda Bosaso DP World-na…..
 202253637871627281663926.jpg

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay meesha ka saaraan shirkadda P&O port oo gacanta ku haysay dekeda Bosaso.

Wasiirka dekedaha oo BBC Somali u waramayay ayaa sheegay inay Puntland $18million oo dollar ay ku qarashgaraysay sharci yaqaanno u dooddayay si meesha looga saaro shirkadda P&O port.

“Maxkamad bay tagtay arrintu, waad dareemi kartaa markaad maxkamad tagaysid waxaad u baahan tahay dad sharci yaqaanno ah oo maxkamadda kaa difaaca oo dooddaada gudbiya. Waad dareemi kartaayo lacag fudud ma ahan, oo lacag illaa $18million ayay qarashgaraysay inay qareennada ku baxaan,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay isla gaadheen meel adag, inkastoo uu sheegay in markii dambe shirkadda DP world ay bixisay magdhow lasiiyay shirkadda P&O, taasoo sheegatay in khasaare weyn uu kasoo gaadhay dekeda Bosaso.

Axmed Yaasiin waxa uu sheegay in Puntland ay dib u eegis ku sameeysay heshiiska dekeda Bosaso, islamarkaana la kordhiyay saamiga uu maamulku ku yeelanayo wax soo saarka dekeda Bosaso.

Puntland ma aysan sheegin magaca shirkadda lagu beddelay shirkaddii hore, waxaase lagu heshiiyay in dhismaha ballaadhinta dekeda dib loo bilaabo bishaan May, iyadoo DP-world ay soo dirtay Engineero qiimayn ku sameynaya dekeda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this