NASSIR Posted October 20, 2006 Abwaan Xasan Xayle (Gabaygii Looma Taag helo) Gabaygan waxa tiriyay abwaan Xasan Xayle waxana ku kalifay nin la odhan jirey Aw-yuusuf ayaa ku yidhi waxaynu aadaynaa Sooomaaliya 1915kii si aad u guursatid gabadh yar , waa adiga habraha guursade e, waana ku adkeeyey, ka dib abwaanku wuxu ku yidhi “ aw yuusufow warqad ii qor ,†waxa uu aw yuusuf u qaatay inuu u dirayo walaalkii Yuusuf Xayle oo jira Ingiriiska , wuxuna Xasan Xayle yidhi warqadda waxan ku idhaahdo ku qor waa inaad ku qortaa , wuxuna yidhi (What a beautiful poem) Talo xumo todoba jeer nin falay haatanna u taagan Oo aan naftiisa u turayn looma taag helo e Nin tashiga tolkii aan ka maqal tabarna keenaynin Oo aan wax taaryoonkarayn looma taag helo e Taag malaha aadmiga ninkii tawstu qabataaye Taah gaban ah baa loo dhintaa taabashada mawde Inkastoo qardhaas lagu toxoo culimo loo tuunsho Haddii mawdku kugu taagan yahay looma taag helo e Tuun tuunka xoolaha ninkii taabka loo geliyo Tallaabaduu dhaqaaqaba hadduu tiro macaashaayo Isagoon tartiib dhaqanin buu taajiraa subaxe Haduu khayrku kugu soo tacjilo looma taag helo e Taw tawle aan edeb lahayn lagu tilmaan ceebe Tuunkii la joogaba hadduu faan ka tirinaayo Ninka hadalku tuumaajka yahay looma taag helo e Hadduu wiil tallaabada xarago temeshle tiicaayo Oo toosan inan doono oo tiriyo maalkiisa Haddaan meherka lagu soo tixgelin looma taag helo'e Tuko lagama karo wiil ibleys turub u qaadaayo Inkastoo tikaab iyo quraan lagu tiraabaayo Haddaan toobad lagu soo alhumin looma taag helo e Haddii naagi tiirkay fadhidey loogu tegi waayo Inkastoo tib weyn lala dhocoo tumaha loo qaado Waa tacallin ay baratay oo looma taag helo e Ninkii tiisa kaa buuxsadoo taadana aan yeelin Oo maalintuu toogo rabo kuu tol noqonaaya Oo maalintaad taag xun tahay kaaga taga hawsha Cadowgaan turriinshaha aqoon looma taag helo e Tiiraanyo iyo ciil ninkii tahan madoobaaday. Mar haddaanu tumaatiga wadnaha tahar wax dhaafsiinin Oo aanu xumaanta iska tirin looma taag heloe Waxba gabaygu yuu ila tegine waxan kusoo teeday Tabaalada aduunyadu ka fudud taayir neefsaday e Ilaahay ninkuu toosiyaa taawilaad hela e Tii eebbeheen waxan ahayn toogo lagu waaye Waxba hay tetebin Yuusufow taranku meesheede Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted October 20, 2006 Can you see the calculation of the stanza of this peom. 2.2s 2.4s 3.4s 4.3s $ 2. More http://www.dhahar.com/article.php?articleid=1744 Quote Share this post Link to post Share on other sites