Sign in to follow this  
Deeq A.

Khudbaddii Ciidul-fidriga ee Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220503_221209440.jpg?resiSiyaad Cali Jaamac: “Puntland waxaa ay u baahan tahay in la xaqiijiyo nadaamaka dimuqraaddiyeynta iyo maamul wanaagga,”

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan khudbaddii uu ka jeediyay goob laysugu soo baxay oogidda Ciidul-fidriga magaaladda Bosaaso ayuu kaga hadlay xaaladda Puntland, hadalkaas waxaa loo fasirtay siyaabo kala duwan balse anigu waxaa iiga soo baxay in Madaxweyne ku xigeenku uu tilmaan iyo talo kula wadaagay dadka dhul udug.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu dadka xusuusiyay in Puntland ay leedahay Dastuur (heshiis bulsho) kaasoo ah midka Puntland ay ku dhisan tahay iskuna haya inta ay ka kooban tahay dad, dhul iyo dowladba, sidoo kale wuxuu madaxweyne ku xigeenku shacabka Puntland u sheegay cidina inaysan ku xadgudbi karin dastuurka.

Wuxuu Madaxweynuhu farta ku fiiqay khataraha ka dhalan kara ku xadgudubka dastuurka, wuxuu sidoo kale ku boorriyay dadka ilaalinta dowladnimadda iyo wadajirka Puntland.

IMG-20220503-WA0014.jpg?resize=960%2C640Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi oo ku sugan Boosaaso.

Waxaa iyaduna ah arrin laga walaaco ah in 24ka sano oo ay Puntland jirto ku dhaqanka dastuurka uu gaabinayay. Tani waxay si xun u saamaysay maamul wanaagga.

Puntland waxaa ay u baahan tahay in la xaqiijiyo nadaamaka dimuqraaddiyeynta iyo maamul wanaagga, lana dhiso waxaana lagu taabbagelin karaa iyadoo la dhiso maxkamadda dastuuriga ah.

Isku soo wada duub, Puntland waa inay xoogga saarto ku dhaqanka iyo dhowrista dastuurka u dhigan Dhul Udug.

Siyaad Cali Jaamac

The post Khudbaddii Ciidul-fidriga ee Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this