Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Madoobe oo la shiray taliyayaasha ciidammada qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16515955309109841.jpg?resize=720%Aadan Madoobe oo la shiray taliyayaasha ciidammada qaranka

Muqdisho (Wararka PP) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta Muqdisho kula shiray taliyayaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabadsugidda. Waxaa goob joog ka ahaa Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud.

Ma cadda in digniin uu Aadan Madoobe u jeediyay taliyayaasha ciidammada waayo qof gef sameeyay ayaa loo digaa. Waxaa taliyayaasha shirka fadhiyay ka mid ab Taliyaha Booliska Jeneraal Cabdi Xasan (Xijaar) oo Wasiirku Amnigu sheegay inuu shaqada ka joojiyay toddobaadkii hore.

20220503_200148.jpg?resize=330%2C529&ssl

Bogga Wakaaladda Wararka oo uu maamulo garab taageersan Ra’iisal Wasaare Rooble iyo bogga Golaha Shacabka ayaa lagu soo qoray in Aadan Madoobe uga digay taliyayaasha inay ku dhex milmaan siyaasadda. Hore taliyayaasha si rasmi looguma eedeynin inay ka tallaabeen xadkooda dhowrista amniga doorashooyinka.

20220503_195905.jpg?resize=344%2C566&ssl

Sidoo kale Harun Maruf ayaa gacankiisa Twitter ku soo qoray in Aadan Madoobe faray taliyayaasha ciidammada inay isaga ka amar-qaataan. Harun wuu saxay farriinta isagoo sheegay in Aadan Madoobe dalbaday inay taliyayaashu ka qaataan isaga amarrada ku saabsan amniga doorashada inta Madaxweyne cusub la dooranayo.

PhotoCollage_20220503_201312257.jpg?resi

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu sanadkii hore ku wareejiyay Ra’iisal Wasaare Rooble isu duwidda amniga doorashada welina isaga ayaa haya xilkaas.

© Puntland Post, 2022

The post Aadan Madoobe oo la shiray taliyayaasha ciidammada qaranka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this