Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Isugu Yeeray Taliyeyaasha Ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha  golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuiyadda Federalka Soomaaliya ahna kusimaha maxweynaha dalka Shiikh Aadan Madoobe ayaa maanta isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, waxaana uu kula adlay arrimo dhowr ah oo quseeya amniga dalka iyo doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa taliyeyaasha ciidamada ugu diray digniin ku aadan kumilanka siyaasadda xilligaan lagu jiro marxaladda kala guurka ah, waxaana uu ugu baaqay in amniga doorashada ay kaga amar qaataan guddoomiyaha golaha shacabka, maadaama xilligaan isagu dalka ugu sareeyo.

Baarlamaanka ayaa maalinta barri waxuu isugu yimaadaan kulan wadajir ah, kaas oo lagu wado in looga dhawaaqo guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda, maadama bishii April soo gabagabowday doorashada guddoonka labada aqal.

Kulanka guddoomiye Aadan Madoobe maanta isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan la filaayo in caasimadda dalka ay martigeliso doorashada madaxweynaha dalka, waxaana u taagan musharraxiin dhowr ah.

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this