Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Madoobe ‘oo la wareegay’ amniga doorashada, soona rogay amar culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka amniga doorashada dalka, kadib aan caadi aheyn oo uu maanta qaaday.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu la yeeshay shir diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka.

“Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay golaha shacabka. 

Amarka kasoo baxay Aadan Madoobe ee uu kula wareegay amniga doorashada ayaa imanaya ayada oo la filayo inay bishan gudaheed ku dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashadii guddoonka Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Aadan Madoobe ayaa waxaa hareeyey muran xooggan kadib markii taliyaha booliska Jeneraal Xijaar uu isku dayey inuu dib u dhigo, taasi oo ay diideen ra’iisul wasaare Rooble iyo mucaaradka.

Ma cadda haddii saraakiisha ciidamada ay u hogaansami doonaan amarka Aadan Madoobe, ayada oo la ogyahay in intooda badan ay ku xiran yihiin madaxweyne Farmaajo. Aadan-Madoobe.jpeg?resize=696%2C499&ssl= 278831956_310348947942414_63781271388990 279586570_310349017942407_80941677356987 278778601_310349084609067_50479630295391 278761190_310349147942394_21841756832912 278826142_310349187942390_90944532807859 Biixi.jpeg?resize=696%2C510&ssl=1 Yaasiin-Farey.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Farxaan-Qaroole.jpeg?resize=696%2C499&ss 279280828_310349437942365_30695102217002 279634774_310349471275695_18600992861270 278975777_310349534609022_67151639532947

The post Aadan Madoobe ‘oo la wareegay’ amniga doorashada, soona rogay amar culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this