Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgalka ATMIS oo Ciidamada Soomaaliya ku wareejiyay Hub laga furtay Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

 Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa hub laga furtay Al-shabaab waxa ay ku wareejiyeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hubkan oo isugu jira dheshiikayaal, hubka fudud iyo rasaas fara badan ayaa waxaa kasoo furtay Al-shabaab Cutubyo ka tirsan Ciidamada ATMIS oo howl-gallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Shabeellada hoose.

Marwo, Fiona Lortan, oo ah taliye ku xigeenka ATMIS ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo Hawlgalka midowga Afrika ay diiwaan gelin doonaan dhammaan hubka laga furto Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka mahad celiyay hubka ay ATMIS ku wareejisay SNA, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya xoogagga midowga Afrika iyo Ciidamada Soomaaliya.

5-1.jpg?resize=660%2C441&ssl=1 4-1.jpg?resize=660%2C441&ssl=1 6.jpg?resize=660%2C441&ssl=1 1-3.jpg?resize=660%2C345&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Hawlgalka ATMIS oo Ciidamada Soomaaliya ku wareejiyay Hub laga furtay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this