AYOUB Posted October 6, 2006 Ilaahay ka baqa - Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" Islaamnimadu waa door ninkii Eebbe solansiinne Aftalkeeda hore waa markaa la ashahaataaye Salaaddaa ayaan iyo ayaan la ijtihaadaaye Soonkaa anfaca maalintii laga adkaystaaye Sekadaa aduunkiyo dadkaba la iska oofshaaye Nin awoodi karayoow xajkaa lagu itaalaaye Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye Adxa iyo Fitrina waa jiraan labada iidoode Iyagana sunnaa lagu ismoo mu'akad weeyaane Ajri xoogleh baa laga helaa ururka maantaase Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye Allabariga waxa loo qalaa odayadeenniiye asaxaabigeennii dhintaa lagu addeecaaye Ehelkaan wixiid aad tartaan loogu anafoonne aakhiro wuxuu kugu noqdaa ololki naareede Itinkeeda waa laga durkaa dhaxal agoomeede Tuugiyo Ammaanaan la cunin oonna loo dayanne Eegmada habluhu waa waxaad ku ibtiloowdaaye Ololaa cayaartiyo Sinaa laga adkaystaaye Afkaagaa sukuud laga noqdaa odhahsan mooyane Awlaadsibaa lagu daraa duciyo aammiine Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye WACDI - Salaan Carrabey Salaan wuxuu gabaygan tirshey ka dib markii loo soo sheegay geerida wiilkiisii yuusuf Salaan. 1. Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi waaye 2. walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere 3. aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe 4. Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday 5. waarsiino abaduu jeclaa waase noloshiiye 6. rag kalaa waraytad ugu hadhay waxaddii xoolaade. 7. Wedku kama ajoon Nabiyadii inaga weynaaye 8. nafle Aadan kama wiil badnayn waana kii dilay 9. waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede. 10. Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta 11. culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe 12. wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shaydaane. 13. Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilif idhaah caawa 14. isaguba khalqiga wow wakiil aan waqiis nixine 15. waji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo 16. Eebow walaacaan qabiyo waali-nimadaada 17. waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay 18. wannakiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye. 19. Horay werenweryadu noogu timi waaqladuu yahaye 20. waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho 21. Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta. 22. Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay 23. ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka 24. gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta 25. Muslim inuu ku wiirsado adaa wacay dharaartaase 26. wastina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye 27. miisaanka inaan waafi iman waazinka xisaabta 28. aan waladul-khayr noqon haddii weyne iga yeelo 29. iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hooga 30. weecaanya Khaatumo waxay noqon waraaqdaydu 31. waafaqada jeer aan hubsado waan walwalayaaye 32. warna ma hayo gees ay arini ii wacaal bixine. 33. marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane 34. waslad maniya baan ahay asaan woofin cahadkiiye 35. waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga 36. wadadii xajkii iyo intaan Wadan ka gaadhaayo 37. weysaysi baa ila gudboon wuduu' salaadeede 38. Wakhtiga maan tukado geeridaa wajiboo xigiye Allahayow - Cali Jaamac Haabiil 1. Allahayoow aduunyada adaa uuntay keligaaye 2. Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode 3. Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane 4. Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae 5. Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye 6. Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane 7. Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine 8. Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye 9. Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane 10. Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka 11. Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey 12. Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey 13. Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin 14. Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga 15. Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo 16. Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta 17. Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney 18. Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta 19. Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba 20. Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu daba joogto 21. Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo 22. Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye 23. Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye 24. Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye aamiin. source: hoygasuugaanta.com ramadaan kariim Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted October 20, 2006 Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba ...Top classic! Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted September 28, 2007 ADDUUN WA BIL AAKHIRA Ba`da gabay baashaa murtida billicda suugaanta Ma bilaabin waayahan tixii baydadka lahaaye Arartii billayd iyo mamarin midhii baaxada lahaaye Isbarbarinta iyo aamuskaan bidayay khayraade Annaan baahidii qabin hadii la igu booleeyay Iminkaan binaynayaa naxwii ugu balaadhnaaye Bal abshira caawoo kalaan bixitimaa luuqe Waa beryaaba kii tegey waxbay badh isku doorshaane Beddel waliba kii shalay inuu burriyo loo keenye Ayaamahan barooga ah markii loo bun tirin waayay Badhtamaa habeenkaa inbadan ladh igu beerraaye Hurdadaydii maan bogan ee waa bebbayay khayroowe Bureeqada sideedii tixdan oo baallalay timiye Hadaan baqasho oognayn naflaha uguma baaqeene Iyadoo bayaanaan hordhaca soo ban dhigayaaye Bal abshira caawoo kalaan bixitimaa luuqee Hadii waano lays baro wuxuun lagaga baydhaayo Boqolaal abwaanbaa hortay qoray bayaan dheere Barbarka jalleecaan daliil badani waa yaale Iyagaan billiifine cilmigu buuxi dhegihiiye Nin samaan biciidsadoo tolkii baacin kari waayay Halkuu beel rumaysiyo daryeel badan ka eegaayay Dacaayado u baahiyo naanays waa u bixiyaane Bassar rogan nin waanshaba layaab badani soogaadhye Biyuhuba taraagay makhluuq badan ku gaadhaane Baaqa iyo waanada inaan baahiyaa wacane Bal ab shira caawoo kalaan bixi timaa luuqee Biyo dhaca war kiisiyo hadaan ararta soo baacsho Marbuu beledka haystoo siyaad baawarna lahaaye Waakii bakool iyo xukumay booramiyo luuqe Markii uu bukaasaha dhigee xaqa ka boodbooday Barreba qaxoontuu ahaa boqol jirkiisiiye Waakii habeen qudha ka baxay barasan kiisiiye Badhaadhaha inaan laysugu wadayn baray tusaaliiye Bidhiq iyo isheed ka fudud nabsigu baalasha indhaaye Bal eeg inan rag bariisaba midbaa qaawan bawdyaha e Bulsho murugtay waa halis inay dib u baqooshaaye Nin xaqiiqda baalmaray inuu baadi yahay mooge Sidii bacad iyo hoosiis waqtigu ways bedelayaaye Baxnaanada allaa lagu sugaa bixiya liibaane Maantay ballan tu inoo eg tahay berrise waa qaybe Waar hooy baraarruga adduun waa bil aakhira e Inkastuu baliiq yahay nin ragi bayd xigmadi taalo Ama baawar leeyahay lamuun boqolle looddaayay Bulshadayda wawliid nimaan tooda buuxiniye Hanti nimaan ku baashirin aqoon kuma billiifaane Waa duni bassaastayoo wax garad badi ka jiiteene Waa duni la baal maray aqoon samma ku beegeede Waa duni la baasoo yiqiin burayo iimaane Waa duni la baaqdoo qaneec saabur baabburaye Waa duni la boob yahay anfaca lagana baydhayne Waa duni la biishado dalaal baadil taliyaaye Waa duni islaamkii bikhyoo kufrina baawar leeyahaye Waa duni badbadana lanacay sharkana laysu soo baxo e Waa duni nin beer nugul qofyahay dhibtana beelo loyhayae Waa duni la beertoo xumaa la isku baantaaye Waa duni billawiyo hunguri bah u midoobeene Waa duni bukaanoo raxmadi raacday bilicdiiye Waa duni xaquna banyaal sharkana baadi loo yahaye Waa duni bil aakhira sabaan bixiso iidaaye Wax kalaa bax naanale mar uun la iska baan taaye Dhaqan bururay waayaab wixii lagu bogsiinlaaye Burburkii sokeeyuhu wuxuu baray dadkii eedye Bakooliyo bu`aaliyo illa koon fur badhaheeda Baraawiyo bakaaraha illaa beesha xamartaala Balcad iyo bannaadiri illaa oosha beled wayne Beelaa mudug hakaa dhexe illaa shicibka boossaso Bari ceerigaabiyo illaa badhan dadkiiyiilay Buurta laaska boholaa xargagga amase buuhoodle Burcowayn sheekh iyo berbera beeratiyo saaxil Badhtamaa hargaysiyo awdal booramiyo saylac Meel bendera beeriyo dhildaaq ama bannaan hawda Bulsho nabad kuwadataal markay belo u caalwayday Maantana dhul boobaa sidii baahay duumada e Waa baadidii jemel oo ninkaan biqini faaleeye Idinkoo baloodh raba cadaab haw badheedhina e Waar hooy baraaruga adduun waa bil aakhira`e Baylah iyo xisaab maleh aduun baytimaal ihiye Baadida dibootana cidlaa bahal ku laayaaye Bulshadaan xaqsoorkiyo sharciga buuxin dhaqan keedu Ee baqsho diidiyo dariiq lagu badbaadaayo Sidii bini israa`iil hadii baarig laga waayo Marba boqor halaagiyo ciqaab wuu burburiyaaye Abwaankii burhaanlihi murtida beenku dari waaye Munkar lama basiidsado haduu baal lasoo kaco e Balaayadu dabiib maleh hadaan layska buuxsimine Hadday bilato waa halis inay barrar abuurtaaye Bartii ayku koobnayd inay baasto waa halise Baalsaar mafeejiga dadkaan loo ilbixinayne Badbaadiyo nasiib maleh wixii qalin ku beegmaaye Hadaynaan baraarrugin xumaan baahda baadhiciye Wixii nolosha baaqiya jiraa beri kasheekayne Tariikhda baadiyo xussuus buug leh bay noqone Waar hooy baraarruga aduun waa bil aakhira e Aduunyadan bidhiiqa ah ee laga baqoolaayo Bara lagu negaadiyo darbaa uqaba beertii raaxada e Baaqan mayso geeridu hadaan been la taabicine Naftii ay ka buuxdaba wedbaa loo bandhigayaaye Waa baro abaal yaal qabrigu niniyo booskiiye Luxuskaad ku baridiyo godkoon cidi kusoo booqan Waqti aan banaanayn qudhii booyda baw darane Berrise waxay la iill tegi allaha baaqiyaa garane Qofkaan daaqad boos le`eg janada uga banaanaanin Waxa ba`ay nin baynoow cadaab lagu bisleeyaaye Waar hooy baraarruga adduun waa bil aakhirae Bacadkiyo xisaabaadka dadkoo balag leh oo qaawan Oon beerna beer dayin dhibkuna baraq nugayl diiday Buugtaada khayrkiyo sharka markuu boqorku miisaamo Barbarkay u dheelido ee culays badani soo fuulo Baynoow waa nasiibkaa wixii kaaga soo baxa e Berrise waxay la iill tegi allaha baaqiyaa garane Qofkaan daaqad boos le`eg janada uga banaanaanin Waxa ba`ay nin baynoow cadaab lagu bisleeyaaye Waar hooy baraarruga adduun waa bil aakhira e! Adduun waa bil aakhira - Maxamed Cali Cartan "Haldeeq" -------------- Raali ka noqda inta yar ee siyaasada Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 30, 2007 Bismillahi maxamedow hadaan Biida ka higaadsho Hadii aan Bil lama fiiriyee Beenta ka fogaado ............... Ok halkaa ka sii wada bal Quote Share this post Link to post Share on other sites