Sign in to follow this  
AYOUB

suugaanta diinta

Recommended Posts

AYOUB   

Ilaahay ka baqa - Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"

 

Islaamnimadu waa door ninkii Eebbe solansiinne

Aftalkeeda hore waa markaa la ashahaataaye

Salaaddaa ayaan iyo ayaan la ijtihaadaaye

 

Soonkaa anfaca maalintii laga adkaystaaye

Sekadaa aduunkiyo dadkaba la iska oofshaaye

Nin awoodi karayoow xajkaa lagu itaalaaye

 

Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye

Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye

Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye

 

Adxa iyo Fitrina waa jiraan labada iidoode

Iyagana sunnaa lagu ismoo mu'akad weeyaane

Ajri xoogleh baa laga helaa ururka maantaase

 

Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye

Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye

Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye

 

Allabariga waxa loo qalaa odayadeenniiye

asaxaabigeennii dhintaa lagu addeecaaye

Ehelkaan wixiid aad tartaan loogu anafoonne

 

aakhiro wuxuu kugu noqdaa ololki naareede

Itinkeeda waa laga durkaa dhaxal agoomeede

Tuugiyo Ammaanaan la cunin oonna loo dayanne

 

Eegmada habluhu waa waxaad ku ibtiloowdaaye

Ololaa cayaartiyo Sinaa laga adkaystaaye

Afkaagaa sukuud laga noqdaa odhahsan mooyane

Awlaadsibaa lagu daraa duciyo aammiine

 

Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye

Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye

Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye

 

 

 

WACDI - Salaan Carrabey

 

Salaan wuxuu gabaygan tirshey ka dib markii loo soo sheegay geerida wiilkiisii yuusuf Salaan.

 

1. Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi waaye

2. walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere

3. aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe

4. Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday

5. waarsiino abaduu jeclaa waase noloshiiye

6. rag kalaa waraytad ugu hadhay waxaddii xoolaade.

 

7. Wedku kama ajoon Nabiyadii inaga weynaaye

8. nafle Aadan kama wiil badnayn waana kii dilay

9. waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede.

10. Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta

11. culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe

12. wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shaydaane.

 

13. Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilif idhaah caawa

14. isaguba khalqiga wow wakiil aan waqiis nixine

15. waji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo

16. Eebow walaacaan qabiyo waali-nimadaada

17. waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay

18. wannakiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye.

19. Horay werenweryadu noogu timi waaqladuu yahaye

20. waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho

21. Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta.

 

22. Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay

23. ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka

24. gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta

25. Muslim inuu ku wiirsado adaa wacay dharaartaase

26. wastina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye

27. miisaanka inaan waafi iman waazinka xisaabta

28. aan waladul-khayr noqon haddii weyne iga yeelo

29. iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hooga

30. weecaanya Khaatumo waxay noqon waraaqdaydu

31. waafaqada jeer aan hubsado waan walwalayaaye

32. warna ma hayo gees ay arini ii wacaal bixine.

 

33. marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane

34. waslad maniya baan ahay asaan woofin cahadkiiye

35. waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga

36. wadadii xajkii iyo intaan Wadan ka gaadhaayo

37. weysaysi baa ila gudboon wuduu' salaadeede

38. Wakhtiga maan tukado geeridaa wajiboo xigiye

 

 

 

Allahayow - Cali Jaamac Haabiil

 

1. Allahayoow aduunyada adaa uuntay keligaaye

2. Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode

3. Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane

4. Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae

5. Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye

6. Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane

7. Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine

8. Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye

9. Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane

 

10. Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka

11. Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey

12. Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey

13. Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin

14. Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga

15. Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo

16. Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta

17. Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney

18. Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta

19. Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba

 

20. Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu daba joogto

21. Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo

22. Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye

23. Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye

24. Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye

 

aamiin. source: hoygasuugaanta.com

 

ramadaan kariim

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka

Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey

Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey

Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin

Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga

Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo

Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta

Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney

Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta

Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba

...Top classic!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

ADDUUN WA BIL AAKHIRA

 

Ba`da gabay baashaa murtida billicda suugaanta

Ma bilaabin waayahan tixii baydadka lahaaye

Arartii billayd iyo mamarin midhii baaxada lahaaye

 

Isbarbarinta iyo aamuskaan bidayay khayraade

Annaan baahidii qabin hadii la igu booleeyay

Iminkaan binaynayaa naxwii ugu balaadhnaaye

Bal abshira caawoo kalaan bixitimaa luuqe

 

Waa beryaaba kii tegey waxbay badh isku doorshaane

Beddel waliba kii shalay inuu burriyo loo keenye

Ayaamahan barooga ah markii loo bun tirin waayay

Badhtamaa habeenkaa inbadan ladh igu beerraaye

Hurdadaydii maan bogan ee waa bebbayay khayroowe

 

Bureeqada sideedii tixdan oo baallalay timiye

Hadaan baqasho oognayn naflaha uguma baaqeene

Iyadoo bayaanaan hordhaca soo ban dhigayaaye

Bal abshira caawoo kalaan bixitimaa luuqee

 

Hadii waano lays baro wuxuun lagaga baydhaayo

Boqolaal abwaanbaa hortay qoray bayaan dheere

Barbarka jalleecaan daliil badani waa yaale

Iyagaan billiifine cilmigu buuxi dhegihiiye

 

Nin samaan biciidsadoo tolkii baacin kari waayay

Halkuu beel rumaysiyo daryeel badan ka eegaayay

Dacaayado u baahiyo naanays waa u bixiyaane

Bassar rogan nin waanshaba layaab badani soogaadhye

 

Biyuhuba taraagay makhluuq badan ku gaadhaane

Baaqa iyo waanada inaan baahiyaa wacane

Bal ab shira caawoo kalaan bixi timaa luuqee

Biyo dhaca war kiisiyo hadaan ararta soo baacsho

 

Marbuu beledka haystoo siyaad baawarna lahaaye

Waakii bakool iyo xukumay booramiyo luuqe

Markii uu bukaasaha dhigee xaqa ka boodbooday

Barreba qaxoontuu ahaa boqol jirkiisiiye

 

Waakii habeen qudha ka baxay barasan kiisiiye

Badhaadhaha inaan laysugu wadayn baray tusaaliiye

Bidhiq iyo isheed ka fudud nabsigu baalasha indhaaye

Bal eeg inan rag bariisaba midbaa qaawan bawdyaha e

 

Bulsho murugtay waa halis inay dib u baqooshaaye

Nin xaqiiqda baalmaray inuu baadi yahay mooge

Sidii bacad iyo hoosiis waqtigu ways bedelayaaye

Baxnaanada allaa lagu sugaa bixiya liibaane

Maantay ballan tu inoo eg tahay berrise waa qaybe

Waar hooy baraarruga adduun waa bil aakhira e

 

Inkastuu baliiq yahay nin ragi bayd xigmadi taalo

Ama baawar leeyahay lamuun boqolle looddaayay

Bulshadayda wawliid nimaan tooda buuxiniye

Hanti nimaan ku baashirin aqoon kuma billiifaane

 

Waa duni bassaastayoo wax garad badi ka jiiteene

Waa duni la baal maray aqoon samma ku beegeede

Waa duni la baasoo yiqiin burayo iimaane

Waa duni la baaqdoo qaneec saabur baabburaye

 

Waa duni la boob yahay anfaca lagana baydhayne

Waa duni la biishado dalaal baadil taliyaaye

Waa duni islaamkii bikhyoo kufrina baawar leeyahaye

Waa duni badbadana lanacay sharkana laysu soo baxo e

 

Waa duni nin beer nugul qofyahay dhibtana beelo loyhayae

Waa duni la beertoo xumaa la isku baantaaye

Waa duni billawiyo hunguri bah u midoobeene

Waa duni bukaanoo raxmadi raacday bilicdiiye

 

Waa duni xaquna banyaal sharkana baadi loo yahaye

Waa duni bil aakhira sabaan bixiso iidaaye

Wax kalaa bax naanale mar uun la iska baan taaye

Dhaqan bururay waayaab wixii lagu bogsiinlaaye

 

Burburkii sokeeyuhu wuxuu baray dadkii eedye

Bakooliyo bu`aaliyo illa koon fur badhaheeda

Baraawiyo bakaaraha illaa beesha xamartaala

Balcad iyo bannaadiri illaa oosha beled wayne

 

Beelaa mudug hakaa dhexe illaa shicibka boossaso

Bari ceerigaabiyo illaa badhan dadkiiyiilay

Buurta laaska boholaa xargagga amase buuhoodle

Burcowayn sheekh iyo berbera beeratiyo saaxil

 

Badhtamaa hargaysiyo awdal booramiyo saylac

Meel bendera beeriyo dhildaaq ama bannaan hawda

Bulsho nabad kuwadataal markay belo u caalwayday

Maantana dhul boobaa sidii baahay duumada e

 

Waa baadidii jemel oo ninkaan biqini faaleeye

Idinkoo baloodh raba cadaab haw badheedhina e

Waar hooy baraaruga adduun waa bil aakhira`e

 

Baylah iyo xisaab maleh aduun baytimaal ihiye

Baadida dibootana cidlaa bahal ku laayaaye

Bulshadaan xaqsoorkiyo sharciga buuxin dhaqan keedu

Ee baqsho diidiyo dariiq lagu badbaadaayo

Sidii bini israa`iil hadii baarig laga waayo

Marba boqor halaagiyo ciqaab wuu burburiyaaye

 

Abwaankii burhaanlihi murtida beenku dari waaye

Munkar lama basiidsado haduu baal lasoo kaco e

Balaayadu dabiib maleh hadaan layska buuxsimine

Hadday bilato waa halis inay barrar abuurtaaye

Bartii ayku koobnayd inay baasto waa halise

Baalsaar mafeejiga dadkaan loo ilbixinayne

 

Badbaadiyo nasiib maleh wixii qalin ku beegmaaye

Hadaynaan baraarrugin xumaan baahda baadhiciye

Wixii nolosha baaqiya jiraa beri kasheekayne

Tariikhda baadiyo xussuus buug leh bay noqone

Waar hooy baraarruga aduun waa bil aakhira e

 

Aduunyadan bidhiiqa ah ee laga baqoolaayo

Bara lagu negaadiyo darbaa uqaba beertii raaxada e

Baaqan mayso geeridu hadaan been la taabicine

Naftii ay ka buuxdaba wedbaa loo bandhigayaaye

 

Waa baro abaal yaal qabrigu niniyo booskiiye

Luxuskaad ku baridiyo godkoon cidi kusoo booqan

Waqti aan banaanayn qudhii booyda baw darane

 

Berrise waxay la iill tegi allaha baaqiyaa garane

Qofkaan daaqad boos le`eg janada uga banaanaanin

Waxa ba`ay nin baynoow cadaab lagu bisleeyaaye

Waar hooy baraarruga adduun waa bil aakhirae

 

Bacadkiyo xisaabaadka dadkoo balag leh oo qaawan

Oon beerna beer dayin dhibkuna baraq nugayl diiday

Buugtaada khayrkiyo sharka markuu boqorku miisaamo

Barbarkay u dheelido ee culays badani soo fuulo

Baynoow waa nasiibkaa wixii kaaga soo baxa e

 

Berrise waxay la iill tegi allaha baaqiyaa garane

Qofkaan daaqad boos le`eg janada uga banaanaanin

Waxa ba`ay nin baynoow cadaab lagu bisleeyaaye

Waar hooy baraarruga adduun waa bil aakhira e!

 

Adduun waa bil aakhira - Maxamed Cali Cartan "Haldeeq"

 

--------------

 

Raali ka noqda inta yar ee siyaasada smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this