Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxdii ugu horeysay ee Ingiriis ah oo garoonkeeda ku martiqaaday Muslimiinta tukanaya salaadda ciidda

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxdii ugu horeysay ee Ingiriis ah oo garoonkeeda ku martiqaaday Muslimiinta tukanaya salaadda ciidda

Kumanaan qof ayaa salaadda ciidda ku tukaday garoonka
Kumanaan qof ayaa salaadda ciidda ku tukaday garoonka

Kooxda Blackburn Rovers ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee kubadda cagta oo ka dhisan UK oo marti gelisa Musliminta tukanaya salaadda ciidda, iyadoo 2,000 oo qof ay ku dabbaal degeen garoonka.

Ragga iyo haweenka Muslimiinta ee ciideysanayay ayaa gaaray garoonka Ewood Park si ay ugu dabaal degaan maalinta ciidda.

Waxaa loo diyaariyay meel ay ku gudan karaan salaadda, iyadoo tiro dad ah ay halkaasi gaareen.

Kooxda Blackburn ayaa Sabtidii ku ciyaartay gurigeeda, balse waxaa looga adkaaday sadex gool iyo eber.

Waxay noqoneysaa kooxdii ugu horeysay ee Ingiriiska ka dhisan oo garoonkeeda ku marti gelisa Muslimiinta gudanaya salaadda Ciidda.

Maamulaha dugsiga Yasir Sufi oo ku sugnaa garoonka ayaa yiri ” waa noolnahay, waxan ka soo jeednaa hal magaalo, hal koox waxanna nahay hal qowmiyad.”

“Tallaabadan ayaa waxay tusineysaa inaannu nahay dad mideysan, iyadoo aan la eegeyn waxa aad tahay ama heybtaada” ayuu intaasi raaciyay.

Garoonka Edwood Park
Garoonka Edwood Park

Axmed Khaliifa oo ku dhashay Sudan oo 37 sano jir ah, kaas oo Blackburn afar bilood ka hor kaga yimid Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu aad u farxay markii uu arkay dad badan oo ku tukanaya garoonka kooxda Blackburn ee Ewood Park.

Waxaa uu sheegay in ciiddu ay tahay “munaasabad gaar ah, maadaama ay isu imaanayaan dadka Muslimiinta iyo asxaabta.”

 

Waxyaalaha ugu muhiimsan ee laga xusi karo ciidda waxaa ka mid ah in laga farxiyo quluubta ubadka, dhaqankaas oo inta badan dalalka Islaamka ay siyaabo kala duwan u wadaagaan.

Shalay oo Isniin ahayd ayaa inta badan Muslimiinta caalamka u dabaal degeen maalinta ciidul fitriga

Ha yeeshee, waxaa jira dalal kale oo maanta oo Talaada ah xusaya maalinta ciidul fitriga, waxaana dalalkaasi kamid ah Hindiya.

Arrintan ayaa dadka qaar ku dhalisay su’aasha ah, maxay muslimiinta oo dhan ee caalamka aysan hal maalin ugu dabaal degeyn munaasabadda ciidda?

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this