Deeq A. Posted May 3, 2022 Boqorkii Sacuudiga ee lagu gawracay Istanbul Ciidamada Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa horay u weeraray oo burburiyay caasimadda dowladda Sacuudiga ee Diriyah iyo duleedka magaalada Riyaad. Dhanka kale, sannadkii 1818-kii, Boqor Cabdallah bin Sacuud oo ahaa Boqorka Sacuudiga ayaa qoorta laga gooyay magaalada Istanbul. Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa markii ugu horeysay burburisay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta sanadkii 1818, markii labaadna waxay aheyd 1871. Isku daygii seddexaad ee Sacuudi Carabiya wuxuu noqday mid guuleystay markii ay taageertay Ingiriiska dagaalkii koowaad ee Adduunka, waxaana u soorogashay in Boqortooyada Cusmaaniyiinta ay wajahdo. Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa sanadkii 1924-tii lagu soo koobay Turkiga casriga ah, waxaana la sheegay in madaxweynaha hadda talada haya Recep Tayyip Erdoan uu dhiirigelin ka qaatay boqortooyadaas. Balse hadda lama joogo xilligii Cusmaaniyiinta. Sacuudiga iyo Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay isku dayaya in ay boorka ka jafaan xiriirkooda. Taariikhda Cabdullaah Bin Sacuud Abdullah bin Saud Al Saud wuxuu ahaa taliyihii ugu dambeeyay ee Dawladdii ugu horreysay ee Sacuudiga waxaana lagu toogtay Istabuul oo hoos imanaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. In kasta oo Cusmaaniyiintu ay dhawr gooood ka haysteen Nejd, haddana way awoodi waayeen inay ka hortagaan kicinta Imaarada Nejd, oo sidoo kale loo yaqaan Dawladda Labaad ee Sucuudiga, ee uu hoggaamiyo Turki bin Abdullah. Cabdullaahi wuxuu ahaa curadkii Sucuud bin C/casiis oo ku dhawaaqay inuu yahay dhaxal sugaha sannadka markuu aha 1805. Hogaamiyenimadii ugu horreeysay ee Cabdullaahi waxay ahayd 1811. Hogaamintiisii labaadna waxa uu la dagaalamay Masaarida sannadkii 1812, wuuna awoodi waayay inuu ka adkaado oo ugu dambeyntii dib u qabsado Xijaz. Cabdullaahi waxa uu xilka kala wareegay aabbihii, Sucuud bishii May 1814. Bilowgii xukunkiisa Cabdullaahi waxa uu la kulmay caqabado qoyska dhexdiisa ah oo kaga yimi adeerkiis Cabdullaahi bin Maxamed, laakiin waxa uu ku guulaystay in uu dejiyo dhibaatooyinkaas. Aabihii ayaa 1813 bilaabay dagaal uu la galo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta markii ay qabsadeen Hejaz. Guushii aabbihiis awgeed, Abdullah waxa uu isla markiiba la kulmay duullaan ay ku qaadayeen ciidammadii Cusmaaniyiinta iyo Masaaridii ka amar qaadanayay Ibraahim Pasha,oo ah wiil uu dhalay Muxammad Cali. Ciidamadii Cusmaaniyiinta ayaa ololahooda billaabay iyagoo si degdeg ah u qabsaday Maka iyo Madiina. Ciidanka Sucuudiga oo si aad ah looga tiro badan yahay sidoo kalana aan haysan hub dagaal oo ku filan ayaa la jebiyey sannadkii 1815 waxaana ay u ruqaansadeen magaalada Najd ee ay xoogga ku lahaayeen. Bishii May 1815 dagaalkaas ka dib Muxammad Cali waxa uu warqad u diray Cabdullaahi ka dibna waxaa la isla gartay heshiis soo afjaray sheegashadii Cabdullaahi ee labada magaalo ee barakeysan ee Maka iyo Madiina, iyo aqoonsiga sareynta Suldaankii Cusmaaniyiinta. Intii u dhaxaysay 1814 iyo 1816 dhacdo kale oo uu Abdullah ku qasbanaaday in uu wax ka qabto ayaa ahayd welwelkii Ingiriiska ee ku saabsanaa burcad-badeedda oo ka soo jeeda gobolka Qaasimi. Cabdullah waxa uu warqado dhowr ah u diray William Bruce oo ahaa ninkii British-ka ahaa ee daganaa Abu Shihr si uu ugu wargaliyo in imaaraadku aanu ku lug lahayn dhacdadooyinkan. Cabullah ayaa markaasi ka fakaray sidii uu ku jabin lahaa boqortooyoda Cusmaaniyiinta waxa uuna go’aansaday in uu xoojiyo ciidamadiisa magaalooyinka Najd 1816-dii. Taasi waxay keentay in Ibraahiim uu mid mid u qabsado tuulooyinkii Najd, isagoo ka ceyriyay magaalo kasta oo ka hortimaada. Ibraahim ugu dambayntii waxa uu gaaray caasimadda Sucuudiga ee Diriyah. Ka dib go’doomin qaadatay dhowr bilood, Abdullah ayaa ugu dambeyntii is dhiibay 9-kii Sebtembar 1818, taasoo calaamad u ahayd dhammaadkii dawladda Sucuudiga. Dhicitaankii Imaarada iyo dilikii Cabdullaah Bin Sacuud Ibraahiim si nidaamsan ayuu Diriyah dhulka ula simay wuxuuna u diray xubno badan oo ka tirsan qabiilka Al Sucuud oo maxaabiis ahaan loogu xiray Masar iyo Constantinople oo hadda la yirahdo Istanbuul, oo ay markaasi ka talineysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Saddex Cabdullah walaalihiis ah ah iyo siddeed iyo toban xubnood oo ka tirsan qoyska Al Sacuud ayaa la dilay. Saddexd wiil oo uu dhalay iyo laba ka mid ah taageerayaashiisana waxa la keenay Qaahira November 1818. Ka dib lix bilood oo uu joogay Qaahira Cabdullah waxa loo wareejiyay Istanbuul halkaas oo isaga iyo labadiisa taageere si cad loogu gowracay bishii May 1819 iyagoo la jaasinayo dembiyadii la sheegay in ay ka galeen magaalooyinka barakeysan iyo masaajidda. Hakan Özoğlu iyo Altan Tan ayaa ku doodaya in Cabdullah afartiisa wiil iyagana qoorta laga gooyay. Ka hor inta aan la dilin, Cabdullah, oo mamnuucay dhegeysiga muusikada, ayaa lagu qasbay inuu dhegeysto luubta. Sababihii loo dilay Cabdullaah Sannadkii 1801-dii, goobtii uu ku aasnaa Imaam Xuseen waxaa jebiyey ciidankii Cabdullaahi bin Sucuud, taas oo caro iyo naxdin ku abuurtay dhammaan dunida Muslimka. Taasina waxay keentay in maamulkii Cusmaaniyiinta ay la kulmaan xaalad ay ku khasban yihiin inay Sucuudiga ku ciqaabaan dembiyada ay galeen. khaliifkii Turkiga iyo Cusmaaniyiinta ee ku sugnaa Istanbuul, Maxmuud II, oo markaasi ahaa ilaaliyaha goobaha diinta Islaamka ayaa amray in ciidan Masaari ah loo diro Jaziirada Carabta si ay uga adkaadaan Cabdullaahi bin Sucuud iyo xulafadiisa. Sannadkii 1818-dii, ciidan Masaari ah oo uu hoggaaminayey Ibrahim Pasha ayaa gebi ahaanba burburiyey ciidamadii Cabdullaahi, waxayna qabsadeen caasimaddoodii Diriyah ee Najd. Liiska iyo kala horreynta boqortooyadii Sacuudiga ka dib burburkii Cusmaaniyiinta. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites