Sign in to follow this  
Deeq A.

“Guud ahaan “Cult of Personality” ama “Weyneynta Shakhsiga” waxa uu abuurmaa marka ay xukuumadi dedaal iyo juhdi badan galisto weynaynta hogaamiyaha dalka…”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guud ahaan “Cult of Personality” ama “Weyneynta Shakhsiga” waxa uu abuurmaa marka ay xukuumadi dedaal iyo juhdi badan galisto weynaynta hogaamiyaha dalka. Waxa xukuumadahaas caado u ah  in ay sawirro hogaamiyaha ah oo la qurxiyey lana weyneeyey ay meelo badan oo ishu qabanayso lagu dhigo ama lagu soo dhejiyo. Waxa kale oo wehiliya in qaybo xukuumadda ka mid ah ammaanta iyo buunbuuninta hogaamiyaha loo xil saaro. Waxa kale oo caado ah in marka uu hogaamiyuhu safro in xukuumaddu banaanbaxyo shacab abaabusho.

Waa xirfado la yaqaan oo dadweynaha maskaxda lagaga qabsado (social engineering) waxaana had iyo goor xirfadahaa adeegsada hogaamiyayaasha keli taliska ah.

Ka dib markay xukuumadda JSL sawirka Madaxweyne Muuse Biixi ku dhejisay goob dabbaaldeg diimeed ama Ciideed (Eid Religious Festival) ayey arintaasi yaab iyo amankaag keentay. Waxay noqotay arin xataa aan looga baran keli-talisyaddi ku caan baxay “Shakhsi Weyneynta” hogaamiyaha. Suxufi Saeed Ibrahim baa markaas si kaftan ah sawirkii Madaxweyne Muuse Biixi ku bedaly keligood taliyayaal ku caan baxay “Weyneynta Shakhsiga” ama “Cult of Personality”isaga oo cabiraya dareenkiisa ah in aanay arintaasi ku habboonayn Madaxweynaha JSL oo laftiisu ka dhiidhiyey lana jahaaday xukuumaddii Jaalle Maxamad Siyaad Barre oo ku dhisnayd kale talis iyo ”Weyneynta Shakhsiga”.

Wa Billaahi Tawfiiq

W/Q Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Amb. Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal)

FB_IMG_1651564736339.jpg FB_IMG_1651564733716.jpg FB_IMG_1651564731157.jpg FB_IMG_1651564728652.jpg FB_IMG_1651564723571.jpg FB_IMG_1651564726162.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this