Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad Oo Ka Hadlay Wariyeyaal In Muddo Ah Ku Xidhan Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Arrimaha u gaarka ah Soomaaliland ma jecli in aan faraha la galo waayo beryahan dambe xog ogaal uguma ihi sidii aan Soomaalida badankeed uga xog roonaa ku dhowaad soddimeeyo san oo hore.

Haddana mar haddii aan Ciidda waayay sii deyn, Intaa ka badan kama aammusnaan karo xarigga saaxiibkeey aan xirfad wadaagna nahay, Maxamed-Ilig.

Isaga iyo laba weriye oo kale ayaa xiran tan iyo nuskii hore ee bishii na dhaaftay.

Inta aan ka warqabo xukun kuma dhicin oo uu macnaheedu yahay in Maxkamad Caddaaladeed aan la soo taagin.

Xaggeyga waxay u dhigan tahay in aanuu helin caddaalad.

Aniga oo oday Soomaaliyeed oo saxaafadeed ah, waxaan codsanayaa in weriyayaasha haddii aan dembi culus lagu heyn loo celiyo xorriyaddooda oo la sii daayo.

Haddii dembi lagu hayana Maxkamad le geeyo, iyada oo markaa qudheeda loo eegayo baalka naxariista.

Weriye wax iga weydii. Waa miskiin, waana adeege bulsho. In lala garramo, la canaanto iyo haddii ay fogaato digniin la siiyo ayaa ka adag.

W/Q Yusuf Garaad

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this