Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in weli suxufiyiinta Soomaaliyeed ay wajahayaan halis dhinacyo badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Suxufiyiinta ku sugan Soomaaliya ay weli wajahayaan xaalad halis ah oo dhinacyo badan.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay oo lagu soo beegay maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3 May ayaa lagu sheegay in Suxufiyiinta ku sugan Soomaaliya ay weli wajahayaan halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh.

Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa weli wajahaya halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii Maajo ee sannadkii hore, hal suxufi ayaa la dilay, labo kalena waa la dhaawacay. Waxaa intaa sii dheer, in 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed la xiray iyagoo ku guda jira shaqadooda” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Qaramada Midoobay waxay tilmaantay in Warbaahinta Soomaaliyeed oo qayb muhiim ah ka ah koboca dimuqraadiyadda dalka ay u baahan yihiin xorriyad aan lahayn handadaad iyo waxyeello kale midna si ay shaqadooda muhiimka ah u gutaan.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in weli suxufiyiinta Soomaaliyeed ay wajahayaan halis dhinacyo badan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this