Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Karaash oo markale si qaawan u weeraray Saciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Axmed Karaash oo markale si qaawan u weeraray Saciid Deni

karaash.jpg

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo boqolaal dadweyne ah Salaada Ciida kula tukaday magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntaland, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Karaash oo weerar toos ah ku qaaday Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo Dastuurka Puntland, sidoo kalena lagu dhaqmo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in sharciga uusan noqon mid ku jira jeeb, isla-markaana lala aado meeshii la doono, sida uu hadalka u dhigay.

”Puntland maahan boombale dhabarka lagu qaato oo haddii la doono Ukrain lala aado waxaa loo baahan yahay in sharciga la ixtiraamo kaas ayaan isku keen keenay, kaas ayaan ku heshiinay kaas ayaa loo baahan yahay inaan adeecno,” ayuu yiri Karaash.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Puntland inay muujiyaan degenaan, isla-markaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololohiisa doorashada ee xilka madaxweynaha.

Si kastaba, Deni ayaa dhowaan jawaab culus ka bixiyey tallaabooyin uu qaaday Karaash, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabis uu sameeyey, taas oo uga sii dartay khilaafka u dhexeeya labada nin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this