Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Kawada Hadleen Aadan Madoobe iyo Ku-xigeenka Wakiilka QM?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa maanta kulan Muqdisho kula qaatay ku-xigeenka wakiilka guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  haweenayda lagu magacaabo Anita Kiki Gbeho.

Gbeho ayaa Aadan Madoobe ugu hambalyaysay xilka guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo la wadaagtay sidoo kale dhambaal ay kaga siday dowladaha la isku yiraahdo C6+, waxaana sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladaha guud ee dalka iyo marxaladda doorashada.

Kulanka Aadan Madoobe iyo ku-xigeenka ergayga guud ee Qaramada Midoobay u qaabilansan Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli dhowaan dalka uu kasoo baxay marxaladda doorashada guddoonka Baaralamaanka 11-aad, waxaana dhowaan la filayaa midda madaxweynaha.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this