Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Kawada Hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Xasan Shiikh?

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka federalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe  ayaa maanta kulan Muqdisho kula qaatay madaxweynihii hore dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo kusoo booqday hoygiisa.
Xasan Sheekha ayaa kamid ah musharraxiinta  u taagan madaxweynaha Soomaaliya  ayaa ugu horeyn salaan iyo hambalyo la wadaagay ku aadan Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya .
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo musharax madaxweyne mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Kulanka oo ahaa mid looga hadlayey arrimaha doorashada madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo jawi nabdoon oo wadar ogol ah.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this