Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo qaar ka mid ah dadweynaha Reer Muqdisho kula tukaday Masjidka Shuhadada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo oo qaar ka mid ah dadweynaha Reer Muqdisho kula tukaday Masjidka Shuhadada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaadda Ciidul Fidriga ku tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ummadda Muslimiinta ah iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaadda Ciidda ka dib khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, ayaa ku boorriyey in ay ku dadaalaan taakulaynta dadka danyarta ah iyo ka shaqaynta danta guud, taasoo qayb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaallada dowladdu ay ku bixisay ka shaqaynta midnida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed midoobaan, una guntadaan horumarinta dowladnimadooda. “Waxaan mudnaanta siinnay in aan ilaalinno midnimado dalkeenna, difaaca sharafteenna iyo horumarinta dowladnimadeenna.

Waxaan diiradda saarnay dib u habaynta caddaaladda iyo garsoorka oo tiir u ah nolasha wanaagsan iyo diinteena suubban.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib-u-dhiska dalka, xasilloonida iyo la dagaallanka cadawga argagixisada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this