Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta kulan Muqdisho kula qaatay madaxweynihii hore ahna musharrax madaxweyne mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo booqday hoygiisa.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo musharax madaxweyne mudane Xasan Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa midnimda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayey arrimaha doorashada madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo jawi nabdoon oo wadar ogol ah.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this