Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in danyarta la caawiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo oo salaadda Ciidul Fidriga ku tukaday Masjidka Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa ummadda Muslimiinta ah iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha oo salaadda Ciidda ka dib khudbad ka jeediyay masjidka, ayaa ku boorriyey shacabka in ay ku dadaalaan taakulaynta dadka danyarta ah iyo ka shaqaynta danta guud, taasoo qayb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib-u-dhiska dalka, xasilloonida iyo la dagaallanka cadawga argagixisada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

4.jpg?resize=1000%2C734&ssl=1 2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in danyarta la caawiyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this