Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Cismaan “kama tanaasuli doono in aan mar kale u tartamo xilka Guddoomiyaha degmada Eyl”

Recommended Posts

Deeq A.   
Eyl.jpg?resize=1000%2C712&ssl=1

Guddoomiyaha degmada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal Muuse Cismaan Yuusuf ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu ka tanaasulay u tartamidda xilka Guddoomiyaha Eyl oo uu mar kale raadinayo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in fasiraad qaldan laga bixiyay hadal uu jeediyay oo ku saabsanaa in uusan marna qayb ka noqon doonin dhib ka dhaca degmada Eyl.

Anigu waxaan sheegay in aanan qayb ka noqon doonin dhib ka dhaca degmada Eyl. Laakiin kama tanaasulin kama tanaasuli doono in aan mar kale u tartamo xilka Guddoomiyaha degmada Eyl” ayuu yiri Muuse Cismaan.

Doorashada Maamulka degmada Eyl ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii la xallin waayay khilaafka u dhexeeya laba garab oo kamid ah urur siyaasadeedka Kaah kuwaas oo laba musharrax kala wata.

PUNTLAND POST

The post Muuse Cismaan “kama tanaasuli doono in aan mar kale u tartamo xilka Guddoomiyaha degmada Eyl” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this