Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo baxay kulanka Wasiirka Batroolka iyo Xeer Ilaaliyaha?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20220502-WA0000.jpg?resize=396%2C222Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed (bidix) ma soo saarin war saxaafadeed ku saabsan u yeerista Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Axmed oo heshiis sharci-darro saxiixay isagoon fasax ka haysan dowladda federaalka Soomaaliya.

Muqdisho (Wararka PP) — Bishii Abriil 21keedii wuxuu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud u yeeray Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Axmed si looga waraysto heshiis sharci-darro ah oo uu la galay Coastline Ltd.

20220422_183640.jpg?resize=370%2C488&sslWasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed oo Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya uga xogwarramaya heshiiska sharci-darrada uu saxiixay Ra’iisal Wasaare Rooble oo aan ogeyn.

Kulanka waxaa la filayay inuu dhaco 25kii Abriil 2022ka. Xeer Ilaalintu ma soo saarin war saxaafadeed ku saabsan qabsoomidda ama qabsoomid la’aanta kulanka. Shaki badan baa jira ah in Wasiirka Batroolku dhegaha ka fureystay u yeerista kaga timid xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Waxaa kale oo jira tuhun ah in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble codsaday in waraysiga Wasiirka dib loo dhigo si dowladda cusub ee imanaysa ay ula wareegto galka baarista heshiiska sharci-darrada ah oo Ra’iisal Wasaaruhu ku gacan-sayray laakiin u oggolaaday Wasiirka inuu shaqadiisa sii wato.

IMG-20220502-WA0001.jpg?resize=395%2C510Warqaddii uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ugu yeeray Wasiirka Batroolka.

Sharciga maamulka dowladda ayaa dhigaya in shaqada laga joojiyo mas’uulka xilkasnimo-darro lagu helo ka hor inta aan baaritaan rasmi ah lagu samaynin qofka xilka haya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa buriyay heshiiska sharci-darrada ah oo uu Wasiirka Batroolku sida qarsoodiga ah u galay isagoo og wareegto madaxtooyo oo reebaysay gelista heshiisyo xilliga kala-guurka.

© Puntland Post, 2022

The post Maxaa ka soo baxay kulanka Wasiirka Batroolka iyo Xeer Ilaaliyaha? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this