Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Abshir oo Shacbka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciida

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu u diray hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul fidriga, waxaana Allah uga baryay inuu sanadkaan sanadkiisa bedqab iyo baraare inuu ku gaarsiiyo.

“Dhammaan walaalaha Soomaaliyeed iyo muslimiinta meel kasta oo joogaanba waxaan isugu hambalyeyneynaa farxada Ciidul Fitriga aniga oo Alle (SWT) ka rajeynaya in sannadkan sannadkiisa kale inagu wada gaarsiiyo bedqab, bashbash iyo baraare” ayuu ku yiri qoraal kooban uusoo dhigay bartiisa Facebook.

Dhammaan shucubta Islaamka ah ee soo gudatay Soonka bisha Ramadaan ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta bari ay u dabaal degaan munaasabadda ciida Soonfureed, sanadkaan ayaa ka duwan sanadkii hore oo ciidu kusoo aaday xilli ay jirtay kacsanaan siyaasadeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this