Sign in to follow this  
Deeq A.

Ileyn hadal Ax kuma Yidhaahdo

Recommended Posts

Deeq A.   

ILEEN HADAL AX KUMA YIDHAAHDO!

 

May be an image of 3 people
Beryahaa uma soo dhawaan degalkan se Video uu Khadar Guun iskasoo duubay baa xilligaa la iisoo diray oo aanan ka filayn qof caqligiisa saliim yahay inuu waxaa ku hadlo iska daa Xildhibaan Qarane.
Horta Jaamac Maxamed Qaalib Ilaahay Naxariistii Jano haka waraabiyo, maanta way inaga hooseeyaan isaga, Xasan Guure, Awoowgay, iyo Xaaji Cabdikariimba uu ninkaasi soo qaatay, aad baanan uga xumahay Xildhibaan Qaran inuu waxaa ku hadlo uu la dhex yimaado social-mediaha.
Maanta isbedel baynu ka filaynay wacan in uu la yimaado isaga iyo Xildhibaanada kale ee cusub ee loogama fadhiyin naxli, iyo xumaan in Umadda lagu faafiyo.
Waxaanan leeyahay Khadar Guun meelo wax laga raadiyo iyo meelo kalaa kala jira. Hadaad xumaan qof u raadinaysidna meelo kale ayaa looga raadiyaa ee xabaalo loogama raadiyo, guntuun baa dhaqankaa taqaan.
Madaxweynahana hadaad qawadsantahay dee badheedhahaaga toos u rido, waa kugu se liitinimo inaad Mayti usoo dhex marto ama aad ugu soo gabato. Ilaahaagana u noqo oo Ramadaanaa lagu jiraa ka daa Umadda naxliga iyo xumaanta aad la dhex imanaysid.
Intaa hadaan kaga baxo Waa bil Ramaadaan Aakhirkeed waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu janooyinkiisa ku macsuumo intii inaga dhimatay, inagana Ilaahay inooga daba naxariisto, Bishaa khayrkeedana inuu ina siiyo Inshallah.
Qareen Fahad Carte.
May be an image of 3 people

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this