Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiis U Xidhnayd Siyaasad Oo Maanta Laga Siidaayay Xabsiga Magaalada Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xabsiga laga siidaayay qaar kamid ah maxaabiis u xidhnayd siyaasad, oo in muddo ah ku xidhnaa xabsiga magaalada Jigjiga.

Maxaabiistan lasiidaayay ayaa waxaa kamid ahaa Xabiib Muxumed Yusuf iyo rag kale, kuwaas oo muddo ku xidhnaa xabsiga Jigjiga, siidaynta maxaabiista waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah ehelada maxaabiista lasiidaayay.

Maxaabiistan lasiidaayay ayaa intooda badan waxay xilal kasoo qabteen dowlad degaanka Soomaalida, waxayna markii dambe labaxeen garabka sixitaanka ee xisbiga PP, kuwaas oo ay dowladdu ku tilmaantay xubno khalkhal galinaya amniga degaanka Soomaalida.

Siidaynta maxaabiistan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli maanta lagu jiro maalintii u dambaysay bisha Ramadan, isla markaana loo diyaargaroobayo ciidda Ciidul Fidriga oo ku beeggan maalinta berri. Dadka deegaanka ayaa aad usoo dhaweeyay siidaynta maxaabiistan, iyadoo wali ay jiraan kuwo kale oo wali xabsiga ku hadhay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this