Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska oo digniin ka soo saaray weeraro argagixiso oo Al-shabaab qorshaynayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ku saabsan weeraro argagixiso iyo af-duubyo ay qorshaynayaan ururka Al-shabaab.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in Al-shabaab ay hanjabaado u jeediyeen reer galbeedka iyo dadka la shaqeeya ee ku sugan Soomaaliya, islamarkaana cabsi joogto ah ka jirto magaalada Muqdisho.

Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay ajaanibku booqdaan” ayay lagu yiri digniinta Ingiriiska.

Dowladda UK waxay sidoo kale sheegtay in ay jirto khatar sare oo la xiriirta dambiyo ka dhaca biyaha Soomaaliya, gaar ahaan gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.

PUNTLAND POST

The post Ingiriiska oo digniin ka soo saaray weeraro argagixiso oo Al-shabaab qorshaynayaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this