Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Siciid Deni oo lumiyay xildhibaanno laga soo doorto Puntland iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka ee laga soo doorto Puntland ayaa si hoose ugu biiray ololaha musharrax Shariif Shiikh Axmed oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnahan ayaa saacadihii la soo dhaafay olole qarsoon ka dhex waday xildhibaannada laba aqal ee laga soo doorto Puntland si ay ugu qanciyaan ku biirista dhinaca musharrax Shariif Sheikh Axmed.

Xildhibaannada laga soo doorto Jubaland qaarkood ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay ku biireen ololaha doorashada Xasan Shiikh Maxamuud oo kamid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha dalka.

Waxaa xusid mudan musharrax Siciid Deni uu inta badan ku tashanayay xildhibaannada laga soo doorto Puntland iyo Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Musharrax Siciid Deni oo lumiyay xildhibaanno laga soo doorto Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this