Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Fahad Yaasiin oo doonaya in uu mar kale mulkiile ka noqdo dowladda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya  in madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay dhisayaan musharrax Xasan Cali Khayre oo u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa dadaal badan ku bixinaysa taageeridda musharrax Xasan Cali Khayre kadib markii ay yaraatay rajada dib loogu dooran karo madaxweyne Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa aaminsan in uu mar kale mulkiile ka noqon doono dowladda cusub haddii Xasan Cali Khayre ku guulaysto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Fahad ayaa lagu tilmaami jiray mulkiilaha dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ka hor intaan Ra’iisul wasaare Rooble awood-tirin.

Dhinaca kale weli ma cadda in madaxweyne Farmaajo mar kale u tartami doono xilka madaxweynaha xilli Villa Somalia ay raja xuma ka qaadday doorashadii guddoonka labada ee Baarlamanka dalka.

PUNTLAND POST

The post Xog: Fahad Yaasiin oo doonaya in uu mar kale mulkiile ka noqdo dowladda cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this